4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 19, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia iyo AMISOM oo la Wareegay gacan ku haynta degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Khamiis, September 19, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo horay Al-shababa ay gacanta ugu haysey.

Degmada Mahadaay oo 30-km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku dhaqaaqeen iyagoo la wareegay iska-hor-imaad kooban kaddib.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska-hor-imaadka, ayaa haddana wararku waxay sheegyaan in lagu arkay gudaha degmadaas meydadka afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ka kala tirsan.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Mahadaay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha degmadaas, xoogaggii Al-shabaabna ay isaga tageen.

Qabsashada degmadan ayaa waxaa soo dhaweeyay xukuumadda Soomaaliya iyadoo warbixin ku saabsan la wareegidda Mahadaay lagu dhegeystey shirkii ay maanta yeesheen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Mahadaay ayaa waxay noqonaysaa degmadii saddexaad oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe oo ciidamada dowaldda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab, iyagoo horay u haystay degmooyinka Jowhar iyo Balcad.

Gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haya Al-shabaab, iyadoo arrintani ay kusoo beegmayso iyadoo aysan wax tallaabo ah qaadin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM intii lagu guda jirey sanadkan 2013.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya