2014-10-25
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2013
Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia oo sheegay in uu ku tegi doono Puntland booqasho si uu Shacabka Puntland ula kulmo



Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Prof. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo horay ugu dhawaaqay inuu yahay murashax u tartamaya xilka madaxweynimo ee maamulka Puntland ayaa sheegay inuu dhowaan tegi doono Puntland si uu ugu ololeeyo doorashada dhacaysa bisha Jannaayo 2014-ka.

Mudane Gaas wuxuu sheegay inuu ololihiisa ka sameyn doono laga soo billaabo Boosaaso illaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, uuna dadka la hadli doono si uu fikradahooda usoo ogaado sidoo kalena aan u xog wareysto dadka Puntland ku nool.

"Puntland ayaan dhawaan tegi doonaa, waxaana doonayaa inaan soo maro guud ahaan gobollada Puntland ay ka kooban tahay, qorshahayguna waa in aan dadka fikirkooda ogaado,” ayuu yiri Prof. Gaas.

Sidoo kale, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in marka uu socdaalkiisa soo gabagabeeyo uu billaabi doono ololihiisa doorashada, islamarkaana qorshihiisu yahay inuu helo codka dadka Puntland si uu ugu hoggaamiyo dimuqraadiyad iyo barwaaqo waarta.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa wuxuu dhowr jeer booqashooyin ku tagay Puntland intii uu hayey xilka ra’iisul wasaarenimo ee dowladdii KMG ahayda, sidoo kale wuxuu booqday Puntland markii uu xilkaas ka tagay, iyadoo uu muran soo dhexgalay isaga iyo madaxweynaha Puntland, Faroole oo ka mid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Puntland.

Maamulka Puntland oo ka mid ah maamullada ka jira Soomaaliya ayaa lagu wadaa in bisha Jannaayo ee sannadka 2014-ka ay ka dhacdo doorashada madaxweynimo ee maamulkaas, iyadoo ay u taagan yihiin xilligan siyaasiyiin kala duwan oo dhamaantood kasoo horjeeda madaxweynaha xilka haya.

Puntland ayaa waxaa tan iyo markii muddo hal sano ah lagu kordhiyay xilka maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ka dhacay rabshado ay dadka qaarkood uga soo horjeesteen muddo kororsigaas.

Diyaargarow doorasho oo xooggan ayaa ka socda Puntland, iyadoo doorashadan ay ka mid noqon doonto doorashooyinkii ugu adkaa ee soo mara maamulkaas tan iyo markii la dhisay sannadkii 1998-kii.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

2013-09-16 8:02 PM EST
DAAWO SAWIRADA: Shirkii Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya looguna yaboohay dhaqaale gaaraya 860 Million oo Dollar.

2013-09-16 3:10 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Bannaanbax looga soo horjeedo shirkii Brussels ee dhaqaalaha loogu ururinayay Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

2013-09-16 2:07 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in sababta ay shirkaasi uga qaybgali wayday ahayd iyadoo loogu casuumay meeqaam ka hooseeya qaabkay rabtay.

2013-09-16 1:18 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Shirkii looga hadlayay higsiga cusub ee Soomaaliya ayaa lagu soo gabgabeeyay magaalada Brussels iyadoo uu ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya dhaqaalaha loogu deeqay Soomaaliya.

2013-09-16 1:16 PM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku gudda jira safarkiisi shaqo, ayaa maanta mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyey magaaladda Burco qaarna xadhiga ka jaray, kuwo cusubna dhagax dhigay.

2013-09-16 9:33 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxii warfaafinta ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Maxamed Macallin Cali ayaa maanta sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay dhawaan maxkamad soo taagto Sheekh Xasan Daahir Aweys oo muddo bilooyin ah u xiran dowladda federaalka Soomaaliya.

2013-09-16 9:15 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha guddiga reer Yurub, Jose Manuel Barroso ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ku bixinayaan dib u dhiska Soomaaliya ugu yahoobay 862-milyan oo doollarka Mareyanka ah, isagoo sheegay in shirka Brussels uu yahay mid lagu xoojinayo horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

2013-09-16 8:59 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho waxay ku dhageysteen warbixinno la xiriira safarro shaqo oo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ay ku tageen gobollada dalka qaarkood, iyadoo isla kulankii maanta loogu qaybiyay xildhibaannada mooshin la xiriira qodob lagu kordhinayo xeer hoosaadka baarlamaanka.

2013-09-16 5:03 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Shirka Somalia loogu qabanayo dalka Belgium ayaa goor dhow ka furmay magaalada Brussels ee xarunta dalkaas iyadoo uu hadal ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo ay shirka wada-guddoominayaan isaga iyo Chatherine Ashton.

2013-09-16 2:31 AM EST
Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka Brussels ee maanta furmaya ka muujiyay rajo weyn, isagoo sheegay inuu yahay shirk a duwan kuwii Soomaaliya horay loogu qaban jiray.