4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2013
MADAXWEYNAHA SOMALIA: “Shirka Magaalada Brussels waa mid ka duwan shirarkii horay loogu qaban jiray Soomaaliya”


Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka Brussels ee maanta furmaya ka muujiyay rajo weyn, isagoo sheegay inuu yahay shir ka duwan kuwii Soomaaliya horay loogu qaban jiray.

Madaxweynaha oo shirkan ay wada-guddoomin doonaan Catherine Ashton oo ah madaxa arrimaha siyaadda ee Midowga Yurub ayaa xusay in shirkani uu fursad u siinayo Soomaaliya sidii beesha caalamku u siin lahayd dhaqaale dib loogu dhisayo dalka oo 22-sano burbur iyo colaado ku jirey .

"Shirkan waa mid ka duwan kuwii horay loogu qaban jiray Soomaaliya, waa shir la mid ah kuwii horay loogu qabtay dalalka ay dagaalladu ka dhaceen, si wax loogu qabto. Soomaaliya waa markii ugu horreysay oo ay hesho fursaddan oo kale, waxanna rajeynaynaa in shirkani uu qayb weyn ka qaato sidii dalka dib loogu dhisi lahaa saddexda sano ee soo socota,” ayuu madaxweynuhu ku yiri wareysi uu siiyay BBC-da, isagoo ku sugan magaalada Brussels oo uu ka furmayo shirka.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay rajada uu ka qabo shirka ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay wax wanaagsan kasoo bixi doonaan, isagoo intaas ku daray in shirkan uu meesha ka saarayo kala qaybsanaantii ku dhexjirtay beesha calaamka.

"Rajo aad u weyn ayaan ka qabnaa inay shirkan uu noqdo mid daaha u furaya dib u dhis ay hesho Somalia, waa shirkii ugu horreeyay oo loo qabto noociisa Soomaaliya; beesha caalamkana waligeed taageero ayay siin jirtay Soomaaliya, balse taageeradan waa ka duwan tahay kuwii hore, waa mid aan baahiyaha aan qabno aan innagu soo gudbinayso calaamkuna uu hal meel isku keenayo dhaqaalihii uu nagu caawin lahaa,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya loogu yabooho hal meel la isugu keenayo, isla markaana lagu saacidayo dhismaha dowladnimada, isagoo xusay in lacago badan oo hal meel ka yimaada oo hal meel u jiheysan ay tahay shan muhiimadood oo caalaami ah sidii lacagahaas loogu bixin lahaa, isagoo intaas ku daray in in dowladda Somalia iyo beesha caalamka ay door ku yeelan doonaan talada iyo maamulka lacagtaas loogu deeqayo Soomaaliya.

"Waxyaabaha uu shirkan kaga duwan yahay shirarkii hore waxaa ka mid ah lacagta waxaa lagu bixinayaa baahiyo ay shacabka Soomaaliyeed horay uga soo tashadeen oo ay u arkeen inay yihiin kuwa ugu waaweyn ee la doonayo in laga taageero. Shirkan ma ahan shir ay hay'ado ajnabi ah iyo hay’ado aan dowli ahayn (NGO) loo ururinayo lacago, waa shir lacagta  ay dadka Soomaaliyeed toos u gaarayso, dowladduna ay lacagtaas ku bixinayso sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha dalka ka jira," ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inay dhowaan sameyn doonaan maamulladii degmooyinka iyo gobollada dalka, islamarkaana ay ku xigi doonaan dhaqan-gelinta federaalka, dalkuna uu u dhaqaaqi doono hal qof iyo hal cod.

Shirkan oo ah kii ugu dambeeyay oo beesha caalamku ay u qabto Soomaaliya si lacago loogu yabooho ayaa socon doona hal maalin, iyadoo la filayo in loogu yabooho Soomaaliya lacag ka badan hal bilyan oo EURO oo ah lacagta Midowga Yurub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya