4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Sheekh Cabdulqaadir Soomow oo ka mid ah Xubnaha Ahlusunna Waljamaaca

Axad, September 15, 2013 (HOL) —Dowladda Soomaaliya ayaa maanta xabsiga dhigtay, Sheekh C/qaadir Maxamed Soomoow oo ka mid ahaa culummada Ahlusunna waljamaaca garabkooda Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sababta ramsiga ah ee loo xiray.

Hay'adda nabad-sugidda qaranka ayaa u yeertay Sheekh C/qaadir Soomow iyagoo markaas kaddibna ku xiray xarunta CID-da Muqdisho, mana jirto wax faahfaahin ah oo intaas ka badan oo laga ogyahay xariggiisa.

Sheekha oo intii aan laga qaadin taleefoon kuwa gacanta ah oo uu haystay u sheegay warbaahinta Muqdisho qaarkeed in loo sheegay in amar lagu xirayo uu bixiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo aysan jirin war arrrintaas ku saabsan oo weli dowladda kasoo baxay.

“Waxaa ii yeeray hay’adda nabadsugidda iyo booliiska Soomaaliya, markii aan u tagayna waxay mas’uuliyiinta labada dhinac ay ii sheegeen inaan ku xiranahay amar uu bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu yiri Sheekha oo sheegay inaanu ogeyn sababta loo xiray.

Inkastoo aanay jirin war sugan oo sheegaya sababta lagu xiray, waxaa haddana jira warar badan oo la isla dhexmarayo, kuwaasoo uu ka mid yahay inuu kasoo horjeedo dowladda iyo inuu u hanjabay sarkaal Soomaali ah.

Sheekh C/qaadir Soomoow ayaa wuxuu ka mid yahay culummada sida weyn uga soo horjeeda Al-shabaab, wuxuuna dhawaan ka qaybgalay shirweynihii looga hadlayay xagjirnimada ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay, isagoo ku baaqay in la fuliyo qodobbada shirkaas.

Ma jiro hadal ku saabsan sababta loo xiray Sheekh Soomoow oo kasoo baxay hay’adda nabad-sugidda Qaranka iyo taliska ciidanka booliiska Soomaaliya, sidoo kalena dowladda Soomaaliya weli xariggan kama aysan hadlin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya