4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigii uu Hoggaaminayay oo Maanta Gaaray Magaalada Brussels ee Dalka Belgium

Axad, September 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium, halkaasoo uu maalinta berri ah ka furmayo shirka higsiga cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa caawa casho-sharaf la leh madaxa xiriirka caalamiga ee Midowga Yurub ahna madaxweyne ku-xigeenka ururka Midowga Yurub, Catherine Ashton.

Berri oo Isniin ah ayaa waxaa ka furmaya Brussels shirkii dib-u-dhiska dalka Soomaaliya looga hadlayay, iyadoo ka hor uu madaxweynuhu kulan gaar ah la yeelan doono madaxweynaha golaha wasiiradda ee Midowga Yurub, Mr. Herman Van Rompuy.

Shirka Brussels ayaa waxaa wada shir-guddoomin doona madaxweynaha Soomaaliya iyo Catherine Ashton, kaasoo lagu wado in lagu yabooho lacag dib loogu dhisayo Soomaaliya, iyadoo ay kasoo qaybgeli doonaan madax ka socota 50 dalka oo caalamka ka mid ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay soo diyaarisay dukumiintiga COMPACT oo qeexaya sida dalka dib loogu dhisi lahaa muddada saddexda sano ee nagu soo fool leh, dukumiintigan oo la-tashiyo lagala soo sameeyey shacabka Soomaaliyeed, isagoo ah mid ay Soomaalidu soo diyaarisay.

Qorshaha ayaa ah in caalamku ay taageeraan COMPACT-ka oo lacago badan ay ku yahoobaan; iyadoo dal walba uu dhaqaale ku saacidayo qorshahan oo ah mid si weyn ay madaxda Soomaaliya ugu kalsoon yihiin.

Waxaa jira guddi ka kooban Midowga Yurub iyo Soomaaliya oo daba-gal ku sameyn doono hirgelinta qorshaha dib-u-dhiska Soomaaliya ee saddexda sano ee soo socota.

Dhanka kale, waxaa magaalada Brussels tagay guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah maamullada dalka ka jira, kuwaasoo ay ku jiraan madaxewynaha Galmudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo iyo madaxweynaha maamulka KMG ah ee Jubba, Sheekh Axmed Madoobe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya