4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 15, 2013
Madaxweynaha Somalia iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo xalay u Ambabaxay Magaalada Brusells ee Xarunta dalka Belgium

Axad, September 15, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa xalay u ambabaxay magaalada Brussels ee dalka Belgium, halkaasoo lagu wado in maalinta berri ah uu ka furmo shir looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah: wasiiradda arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaan, wasiirka gaashaandhigga, C/xakiim Maxamuud X. Fiqi iyo wasiiru-dowlaha madaxtooyada, Faarax Sheekh C/qaadir.

“Madaxweynuhu wuxuu ku wajahan yahay dalka Belgium, halkaasoo uu kaga qaybgeli doono shirka looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha sare ee madaxtooyada Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay safarkii madaxweynaha kaddib.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusii sagootiyay godoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo ah ku-simaha madaxweynaha, ra’iisul wasaare, Cabdi Faarax Shirdoon iyo qaar ka tisrsan xubnaha labada gole ee dowladda.

Sidoo kale, shirka Brussels ayaa waxaa lagu casuumay madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira, iyadoo isla shalay uu dalka ka ambabaxay wafdi uu hoggaaminayo hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

Isniinta berri ah ayaa lagu wadaa in shirka horumarinta Somalia uu si rasmi ah uga furmo magaalada Brussels iyadoo ay ka qaygeli doonaan madaxda ka socota in ka badan 50-dal oo ah kuwa deeqaha bixiya, iyadoo rajo weyn laga muujiyay in la ballanqaadi doono dhaqaale dib loogu dhiso Soomaaliya oo la sheegayo inuu ka badan yahay hal bilyan oo doollar.

Soomaaliya ayaa waxay muddo 22-sano ah kusoo jirtay colaado sokeeye iyo burbur dhinac walba ah, iyadoo madaxda dowladdu ay sheegeen in tani ay tahay fursaddii ugu wanaagsanayd ee ay hesho Soomaaliya si looga ambaqaado dib u dhis buuxa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya