4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
U gargaar wiil yar oo xanuunsan oo wax looga qaban waayay gudaha dalka Soomaaliya (Sawirro)


Sabti, September 14, 2013(HOL) :- Sakariye Yaquub Cabdi waa Wiil 4 sano jir ah ,waxuuna dhashey sanadkii 2010kii,isagoona ku dhashey Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo,waxuuna tan iyo markii uu dhashey uu la xanuunsan yahay Cudurka Neerfaha oo jirkiisa oo dhan saameeyey,mana fadhiisan karo,waxaana dhibaya wax cunista waxa keliya ee uu isticmaalo ayaa ah Caanaha oo cabitaankooda ay ku adagtahay.

Sidoo kale Sakariya xilligan la joogo waa qof  Curyaan ah oo ay xaaladiisu ay ka sii dareyso,marar badan oo ay waalidiintiisu ay la xariireen  dhaqaatiirta Caafimaadka soomaaliya iyo weliba Wasaarada Caafimaadka ee Dowlada  waxay ku taliyeen  inuu u baahan yahay in lagu sameeyo daaweyn iyo baaris oo dalka dibadiisa ah,meesha ugu dhowna ee looga wax looga qaban karo ayaa ah Dalalka Imaaraatka Carabta,Turkiga iyo Kenya.


Qoyska uu ka dhashey Wiilka Xanuunsan ee Sakariya oo ah Qoys Sabool ah,ma awoodaan in ay wiilkaasi u qaadaan dalka dibadiisa,waayo ma haystaan wax dhaqaalo ah.

Sidaas daraadeed waalidiinta dhashay ilmahan yar, waxay ka qof kasta oo islaam ah ay si naxariis leh uga Codsanayaan in ay wax kala qabtaan Wiilkaasi xanuunsan ee u baahan gurmadka caafimaad ,islamarkaana dalka gudahiisa wax looga qaban waayey.
 
FG: Haddaba Wixii faah faahin dheeri ah kala xariir Waalidiintiisa oo kala ah Ifraax Cabdiraxmaan Nuur oo ah Hooyada Wiilka Tel.0025261-5015992 iyo midka Aabaha Yaaquub Cabdi Tel.0025261-5559443,ama Emailkan [email protected] .
 
 
 
 
 
........................
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.