4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 14, 2013
RA’IISUL WASAARE SAACID: “Qaraxyada Fulaynimada ah ee Al-shabaab ay geysanayso ma hakin doonaan Howlaha Qaranka”

Sabti, September 14, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si weyn u cambaareeyay qaxayadii dhacaan ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Kismaayo ee ay dadka badan naftooda ku waayeen, isagoo ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo axmaqnimo ah oo lagu dilay dad shacab ah.

“Waxaan si aad ah u cambaaraynayaa qaraxyadii waxashnimada ahaa ee lala eegtay koloyo uu saarnaa hoggaamiyaha maamulka Jubba, waa weerar loogu talo-galay in lagu gumaado dad aan waxba galabsan, lana doonayay in lagu qal-qalgeliyo ammaanka iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri Saacid oo intaas ku daray in inay ka go’an tahay ka hortagga kuwa falalka noocaas ah geysanaya.

Mudane Saacid ayaa sidoo kale sheegay in qaraxii ka dhacay Muqdihso uu ahaa mid la mid ah kuwii horay uga dhici jiray caasimadda ee dadka badan lagu gumaaday, isagoo sheegay in waxyaabo badan oo looga hortagay kuwo kale oo dhici lahaana ay ciidamada ammaanku sameeyeen.

“Qaraxyada noocan ah ma ahan kuwo ka hor-istaagaya xukuuumadda dib-u-heshiinta iyo nabad kusoo dabaalidda gobollada Jubbooyinka, laguma gaarin qaraxaas ujeedkii laga lahaa. Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ehelladii dadkii qaraxaas waxyeelladu kasoo gaartay, waxaana ilaahay uga baryayaa inuu caafimaad taam ah siiyo dadkii ku dhaawacmay,” ayuu Saacid ku daray hadalkiisa.

Mas’uuliyadda qaraxyadii ka kala dhacay Muqdisho iyo Kismaayo simitaamkii lasoo dahafay ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, waxaana ku dihntay dad badan oo shacab ah, iyadoo qaraxii Kismaayo ay sidoo kale ku dhinteen qaar ka mid ah askartii ilaalada u ahayd Sheekh Axmed Madoobe.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay jirto muddo hal sano ah hadda waxaa si weyn loogu dhaliilay inay wax badan ka qaban waday ammaanka iyo falalka ay Al-shabaab ka geysanayso caasimadda Soomaaliya oo laga saaray muddo laba sano laga joogo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya