4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Golaha Wasiirrada Somalia oo isku raacay hirgelinta go’aanadii kasoo baxay Shirweynihii Culummada Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, September 12, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, iyadoo looga dooday qodobbo ka mid ahaa kuwii kasoo baxay shirkii culimada Soomaaliyeed ee looga hadlay sida looga hortegi karo ku talax-tagga diinta ama xag-jirnimada.

Kulankan ayaa ugu horreyntii waxaa warbixin looga dhageystay Saacid oo isagu shalay kasoo laabtay safarro uu ku kala bixiyay dalal dhowr ah, isagoo sharaxaad ka bixiyay heshiisyo horumarineed oo ay lasoo saxiisdeen ururka Islaamka iyo dawladda Yemen, arrintaasoo uu goluhu si weyn u soo dhoweeyey.

Gabagabadii kulanka, waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, wuxuuna si adag u beeniyay qoraal looga been abuuranayo oo lasoo dhigay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida, isagoo tilmaamay in qoraalkaasi uu yahay mid aan jirin.

“Sida aad ka aragteen warqadda been abuurka ah, tixraac lambar ma lahan way banana tahay meeshii loogu talo-galay tixraac lambarka, waana been abuurad cad oo raqiis ah,” ayuu yiri oo beeniiyay wararkaas oo ahaa mid ku saabsan inuu warqad u qoray kooxda la socodka xayiraada hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Eretria, taasoo uu ku dhaliilayo heshiiska shirkadda VAVORI ay kula wareegeyso maamulka garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Sidoo kale, wasiirka oo ka hadlayay qodobbadii shalay kasoo baxay shirka culumada ee looga hadlayay xag-jirnimada ayaa wuxuu xusay in goluhu ay si buuxda isula qaateen dhaqan-gelinta qodobbadaas, isagoo tilmaamay in goluhu ay dhiseen guddi heer wasiir ah oo kala shaqeynaya culumada sidii loo dhaqan-gelin lahaa go’aannadii shirka, iyadoo kulan la qaban doono 90 maalmood gudahood, kaasoo loogu yeeri doono culumada Soomaaliyeed iyo culumada dunida Islaamka , laguna sii xoojin doono go’aannada iyo dhaqan-gelinta qodobbadii kasoo baxay shirkii culummada Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale xusay in golaha wasiirradu ay maanta si qoto-dheer uga doodeen qabashada shir dib u heshiisiineed oo lagu soo af-meerayo mad-madowgii soo kala dhex galay beelaha Jubbooyinka iyo Gedo ku nool, isagoo intaas ku daray in guddoomiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ay maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaayeen Muqdisho, taasoo hordhac u ah qabashada shirweyne dib u heshiisiineed oo ay dowladdu abaabulayso.

“Golaha wasiirradu waxay iclaamiyeen shir dib u heshiisineed oo ka furmi doona Muqdisho shanta bisha Oktoobar ee soo socota, laguna soo jari doono magaalada Kismaayo, sida ku xusan heshiiskii Addis ababa ee dowladda iyo maamulka Jubba ay gaareen,” ayuu yiri wasiirka hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, wasiirka ayaa warbaahinta u sheegay in intii ay ku gudo jireen golaha wasiirradu shirkooda ay soo gaartay war sheegaya in qarax lala beegsaday wafdigii magaalada Muqdisho ka ambabaxay ee Sheekh Axmad Madoobe uu hoggaaminayay, isla markaana ay waxyeelo dhimasho iyo dhaawacba leh soo gaartay xubno ka tirsan wafdiga.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya