Sheekh Axmed Madoobe oo xilligii uu shirka jaraa'id qabanayay ay xaaladiisu caafimaad ahayd mid aad u wanaagsan, ayaa sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaartay qaraxii maanta lala eegtay kolonyadii uu la socday.
Mas'uulkan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, isagoona sidoo kale tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay weerarka, islamarkaana caafimaad u rajeeyay dadka ku waxyeeloobay.
Weerarkii saaka ayaa ilaa imika inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay ilaa 15 qof oo u badan dad rayid ah, iyadoo dadka ku dhaawacmay ay ka badanyihin ilaa 20 qof.
Hadalkan kasoo yeeray Madaxa maamulka Jubba ayaa meesha ka saaraya warar la isla dhexmarayay oo sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe uu ku dhaawacmay weerarkii saaka.
Filo Codka Shirka Jaraa'id ee uu qabtay Sheekh Axmed Madoobe.
Xasan Nuur, Hiiraan Online[email protected]Kismaayo-Soomaaliya.