4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 12, 2013
Afhayeenka Maamulka KMG-ka ah ee Jubba oo sheegay inuu Sheekh Axmed Madoobe badqabo oo aysan waxba gaarin

Khamiis, September 12, 2013(HOL) :- Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo gordhow warbaahinta kula hadlay gudaha xarunta madaxtooyada Kismaayo ayaa sheegay in uu caafimaad qabo madaxa maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe)

Masuulkan ayaa sheegay in qarax saaka lala beegsaday kolonyo uu la socday Sheekh Axmed Madoobe uu ka badbaaday islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo kasoo gaaray weerarkaasi, isagoona sheegay in Sheekh Axmed Madoobe isagoo badqaba uu imika ku suganyahay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaadiid walxaha qaraxa laga soo buuxiyay oo lala beegsaday kolonyo uu la socday madaxa maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe ayaa sababtay dhimashada dad gaaraya ilaa 11 qof iyo dhaawac intaasi ka badan, kuwaasoo u badnaa dad rayid ah.

Ma jirto ilaa imika cid sheegatay masuuliyadda weerarkani, mana jiraan warar madax bannaan oo qeexaya khasaarooyinka rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii maanta.

Waxaa gabi ahaanba hawada ka maqan isgaarsiintii magaalada, iyadoona magaalada laga maqlayo rasaas ay furayaan ciidamada ammaanka, waxaana sidoo kale xiran dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo isu socodkii dadka.

Faahfaahinta weerarka dib ayaan idinka soo gudbin doonna haduu rabbi qadaro.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya