4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Dalka dib ugu soo laabtay kana Warbixiyey Safarradiisii Dibadda (SAWIRRO)


Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safarro uu ku tagay dalalka Jabuuti, Sucuudiga iyo Yemen, halkaasoo uu heshiisyo kala duwan kula soo saxiixday hay’addo iyo wadammo, waxaana safarkiisa ku wehliyay xubno ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Saacid ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey xubnaha golaha wasiirrada, xidlhibaanno, saraakiil iyo dadweyne aad u tiro badan, kuwaasoo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir, uuna hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmad Nuur (Tarsan), isagoo ra’iisul wasaaruhu ka warbixiyay natiijada safarkiisa, gaar ahaana heshiisyo horumarineed oo ay lasoo galeen isaga iyo wafdigiisu urur-weynaha Islaamka OIC iyo dawladda Yemen.

Ra'iisul wasaare Saacid ayaa ugu horreyntii xusay in safarkiisu uu isugu jiray cibaado iyo shaqo, maadaama ra’iisul wasaaraha iyo xubnihii la socday ay tageen magaalada barakeysan ee Makka Al-Mukaramah, halkaa oo ay kusoo cimraysteen ayna alle uga baryeen dalka inuu helo xasilooni iyo barwaaqo.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in dalalka ay socdaalka ku tageen isaga iyo wafdigiisa ay lasoo galeen heshiisyo kala duwan oo muhiim ah oo ku aadan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha, ganacsiga iyo maal-gashiga, waxbarshada iyo dhaqanka.

Wuxuu ra’iisul wasaaruhu si gaar ah u xusay heshiis ay xukuumaddu la soo gashay urur-weynaha Islaamka (OIC), kaasoo dhigayay in ururku uu Soomaaliya ka taageero dhinacyada, horumarinta adeegyadda bulshada iyo kaabayaasha dalka, wax-soo-saarka kala duwan ee dalka, daymaha oo dib loo eego, soo noolaynta mashaariicdii hore ee bankiga islaamka uu ka fulin jiray dalka Soomaaliya, tayaynta howl-qabadka hay’adaha dowladda.

Dhanka kale, Saacid ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay dalka Jabuuti iyo hoggaankiisa, wuxuuna xusay inay sameeyeen horumar iyo furfurnaan ku aaddan dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha, isagoo tusaale usoo qaatay dekedo cusub oo laga hirgeliyay dalka Jabuuti intii ay booqashada ku joogeen dalkaas, wuxuuna tilmaamay inay kawada hadleen madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle sidii loo horumarin lahaa dekedaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeeyey heshiis ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba kala saxiixdeen; wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan kana qeyb qaataan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskaasi oo qayb ka ah hanaanka dib u heshiisiineed ee ay dawladdu ku howlan tahay.

Mas’uuliyiinta Yemen oo uu ka mid ahaa wasiirka caafimaadka, Dr Axmad Qaasim Al-Cansi ayaa si heer sare ah ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ugu soo sagootiyay halkaasoo booqasho rasmi ah wafdigu ay ku joogeen maalmihii lasoo dhaafay.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya