4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 11, 2013
Mas'uuliyiinta gobolka Hiiraan iyo saraakiil AMISOM ka tirsan oo Kormeer ku sameeyay Waddo laga dhisayo Beledweyne (SAWIRRO)


Arbaco, September 11, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM, odayaal, waxgarad iyo qaar ka mid ah qurba joogta ka soo jeeda gobolka ayaa maanta kormeeray dhismaha mid ka mid ah jidadka ugu muhiimsan magaalada Beledweyne.

Ururka hormarinta midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan oo bilihii ugu danbeeyayba ku howlanaa dhismaha wadadan ayaa warbixin ka siiyay mas'uuliyiintii maanta booqatay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha wadada oo muhiim u ah isku xirka magaalada iyo deegaannada kale  gobolka.

Guddoomiyaha ururka hormarinta midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan Max'ed C/llaahi Buraale [Raaxeey] oo goobta ka hadllay ayaa sheegay in dhismaha wadadan marka laga soo tago ururka dhalinyarrada qeyb weyn ka qaateen bulshada ku dhaqan xaafadda Kooshin oo wadadani marto.

“Illaa hadda waxaan ku guuleysanay in aan si rasmi ah u soo afjarno dhismaha ilaa 1km [Hal Kiiloo Mitir] dhaqaallaha ku baxay oo dhan $10,725 doolar waxaa iska ururiyay oo jeebkooda ka bixiyay bulshada ku dhaqan xaafadda iyo ururka dhalinyarrada, walina dhismahuhu waxaa u socdaan,'' ayuu yiri Max'ed C/llaahi Buraalle Raaxeeye.

Xaaji Cujub Khaliif oo ah guddoomiyaha xaafadda Kooshin oo ka hadllay goobta ayaa sheegay in dhibaato xoog leh ku qabeen wadada ka hor inta aan la dhisan, gaar ahaan waxaa uu sheegay in xiliyada roobka fatahada wabiga dhibaato xoog leh kala kulmi jireen dadka ku dhaqan xaafadda.

“Annaga haddii aynu nahay odayaashii xaafadda aad ayaa ugu mahad celineynaa ururka dhalinyarrada, wadadan aad arkeysaan dhibaato xoog leh ayeey ku qabeen dadka ku dhaqan xaafadda, gaar ahaan xiliyada roobka ama wabigu fatahaad sameeyo, waayo waxaa si toos ah ugu soo rogmi jiray biyaha Togaga ama Waadiyaasha soo qaadaan, taasoo keeni jirtay in xaafaddu go'adoon ka noqto magaalada inteeda kale, laakiin hadda waad arkeysaan sida loo dhisay, inta dhimanna gacan ayaan ka wada geysan doonaa,'' ayuu yiri Xaaji Cujub Khaliif.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan Sheekh Xusseen Cismaan Cali ayaa sheegay in talaabada ay qaadeen ururka dhalinyarrada qiimo weyn ugu fadhiso maamulka gobolka Hiiraan.

“Runtii maamulka gobolka Hiiraan waa uu ku faanayaa howsha ay qabteen ururka dhalinyarrada, gaar ahaan qeybta arrimaha bulshada, sharaf weyn ayeey inoo tahay, waayo in waddo la dhiso ma'aha wax sahlan, maamulkana gacan ayuu ka geysan doonaa dhameystirka inta ka dhiman dhismaha wadada,'' ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka.

Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti oo hadal jeediyay ayaa sheegay in dhismaha wadadan tusaale cad u noqon karto in bulshadu wax qabsan karto, isaga oo soo dhaweeyay dhismaha wadadan isku xirta magaalada Beledweyne iyo deegaannada kale.

“Runtii waa waxqabad ku dasho mudan, islamarkaana muujinaya in bulshadu haddii ay isku tashato wax qabsan karto, taa waxaa ka mara-kacaya is xilqaanka dheeraadka ah oo ay sameeyeen ururka dhalinyarrada oo kaashanaya bulshada xaafadda, annaga AMISOM ahaan gacan kasta oo nalooga baahdo diyaar ayeeynu u nahay in aan geysano,'' ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Mas'uuliyiintii iyo saraakiisha booqatay dhismaha wadada ayaa ku lug ku maray wadada ayaa  kormeeray dhismaha qeybta hadda la soo afjaray, sidoo kalana waxaa soo dhaweeyay dib u hagaajinta wadadan gadiidleyda magaalada markii hore dhibaato xoog leh ku qabtay isticmaalka wadada.






C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya