4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Natiijadii Imtixaankii Shahaadiga Dugsiyada Dhexe & Sare ee Somaliland oo si rasmi ah Maanta lagu dhawaaqay (SAWIRRO)


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Xafiiska Imtixaanaadka wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasallada afaraad ee dugsiyadda sare iyo fasallada siideeddaad ee dugsiyada dhexe.

Guddoomiyaha xafiiska Imtixaanka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax, ayaa maanta ku dhawaaqay imtixankaasi shahaadiga, waxaanu sheegay inay imtixaankaasi u fadhiisteen guud ahaan 19,452 arday (sagaal iyo toban kun, afar boqol iyo laba iyo konton arday), kuwaas oo kala ah 12,142 Arday waa dugsiyadda dhexe ee fasaladda 8aad, halka dugsiyada sare ee fasaladda 4aad yihiin 7,310 arday.

Guddoomiyaha imtixaanka ayaa sheegay sanad dugsiyeedka 2012/2013 ee imtixaanka gashay kala yihiin dugsiyadda dhexe 12142 arday, waxa gudbay 11679 arday, waxa dhacay 193 arday, waxa ka habsaamay 271 arday, halka dugsiyada sarana ay galeen 7310 arday, waxaana gudbay 7017 arday, waxa habsaamay 293 arday, wax dhacayna may jirin.

“Sannadkan wax dhibaato kama aanan kulmin imtixaanka diyaarintisa iyo sixitaankiisa iyo ilaalintiisaba oo si wanaagsan ayuu ilaahay noogu guuleeyey”ayuu yidhi Gudoomiyaha Imtixaanaadka Daa’uud Axmed oo ka hadlayey imtixaanka, waxaanu intaas ku daray “Barigii hore waxa imtixaanka nala gali jiray dhagoleyaasha, laakiin sanadkan waxa ku cusbaa indhooleyaasha iyo gacmoolayaasha oo dhibco wanaagsan ku gudbay, taasina waa guul usoo hoyotay Somaliland”.

“Haddii aad arki lahayd arday Mustafe la yidhaa sida uu ku galay imtixaanka ilaahay si fiican baad ugu mahadnaqi lahayd caafimaadka uu ku siiyey, inankaasi indho iyo gacmo toona ma lahayn oo lugaha ayuu wax ku qorayey, dhibco aad u sareeyana wuu keenay”ayuu yidhi gudoomiyaha oo ka hadlayey wiilkaasi labada laxaad aan lahayn ee imtixaanka la fadhiistay ardayda dugsiyada dhexe.

Waxaa xusid mudan in sanadkan ay imtixaanka u fadhiisteen ardayda dhagooleyaasha iyo indhooleyaasha, waxaana ku jiray sanadkan arday labadda laxaad ee ugu muhiimsan ka maqan yihiin, waxaanu lahayn indho iyo gacmo, waxaanu imtixaanka kaga shaqaynayey lugaha, waxaanu gudoomiyaha imtixaanku sheegay inuu ardaydaasi dhibco fiican keenay, isagoo dadweynaha ku baraarujiyey inay ardayda naafada ah ee guryaha u jooga waxbarashadda keenaan.

“Waxaan ka mid ahaa ardayda naafada ah ee indhaha iyo gacmaha lahayn ee imtixankaasi gashay, waxaana ku faraxsanahay in aan imtixaankaasi darajo fiican aan keeno”ayuu yidhi  Mustafe Maxamed Ciise oo ka socday dugsiga Indhooleyaasha magaaladda Hargeysa.

“Imtixaanka waxaan ku qorayey lugahayga oo aan isticmaalayey qalabka ay wax ku qoraan Indhooleyaasha, carabka ama dibnahana waan ku akhriyeyey”ayuu yidhi mar aan waydiiyey qaabka uu imtixaanka u galay madaama oo uu naafo ka yahay indhaha iyo labadda gacmoodba.

Si kastaba ha ahaatee, Ardayda dugsiyadda Sare iyo dhexe ayaa baryahanba sugayey in loogu dhawaaqo imtixaanka si ay waxbarashadooda u sii wataan, waxaana kaalinta koowaad u galay dugsiyada dhexe ee Somaliland Hoodo Khadar Jees oo ka socotay Imaamu shaafici ee magaaladda Hargeysa, waxaana dugsiyadda sare kaalinta kowaad galay Cabdisamad Suleemaan Hasan oo ka socday dugsiga SOS ee magaaladda Sheekh.



Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland