2014-10-23
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Ra’isul Wasaare Saacid oo la kulmay Jaaliyadda iyo shaqaalaha Safaaradda Soomaaliyeed ee Dalka Yemen (SAWIRRO)



Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” iyo wafdigiisa ayaa xalay ka qayb-galay munaasabad soo dhaweyn ah oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Yemen ay u sameeyeen. Xafladda ayaa ahayd mid si weyn loo soo agaasimay waxaana lagu soo bandhigay ciyaar-dhaqameed, heeso iyo murti kala duwan. Iyadoo jaaliyadda Soomaalidu ay muujisay sida ay ugu hiloobeen dalkooda ayna ka shaqeynayaan sidii ay dib ugu laaban lahaayeen.

Mudane Saacid ayaa khudbad u jeediyay jaaliyadda isagoo uga warbixiyay xalaadda dalku uu ku sugan yahay sida siyaasadda: ammaanka, dhaqaalaha iyo sidoo kole waxyaabaha u qorshaysan dowladdiisa oo ay ka mid tahay sidii loo suuro-galin lahaa in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyin iyo sugidda ammaanka guud ee Soomaaliya.

“Dowladdu waxay dhawaan samaysay hay’ad qaabilsan dib-u-soo-celinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo dib u dajinta Barkacayaasha, Waxaan u sahlaynaa cid kasta oo iskeed u laabanaysa in aan kusoo dhoweyno dalka annagoo aad uga mahadcelinayna Dawladda Yemen sida wanaagsan ee dalkeeda idiinku soo dhoweysay.” Ayuu yiri Rai’isul Wasaaruhu

Waxaa sidoo kale Ra’isul Wasaaruhu uu kala hadlay Jaaliyadda ujeedada socdaalka ay isaga iyo wefdigiisu ku joogaan Yemen,  isagoo sheegay inay la kulmayaan madaxda dalkaas, ayna ka wada hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin: xoojinta iskaashiga dhanka ammaanka, Siyaasadda, dhaqaalaha iyo waxbarashadda. Sidoo kale waxuu sheegay in socdaalkooda ay qayb ka tahay u kuuragalidda xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yemen.

Munaasabadaasi oo lagu soo bandhigay heeso wadani ah iyo kuwo guubaabo waxaa sidoo kale ka hadlay xubnaha ku weheliya Ra’isul wasaaraha Socdaalkiisa, kuwaas oo sheegay in ay ka shaqayn doonaan sidii Soomaaliya dhibka looga saari lahaa, dadka Soomaaliyeedna ay dalkooda dib ugu noqon lahaayeenj.

Ugu danbayntii Ra’isul wasaaraha ayaa booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Sanca, isagoo war-bixino ka dhagaystay shaqaalaha safaaradda, isla markaana u balan qaaday in ay ka shaqayn doonto dawladdu sidii Safaaraduhu ay u heli lahaayeen waxyaabaha ay u baahan yihiin.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

2013-09-10 1:58 PM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Kaddib markii golaha malaaqyada Digil iyo Mirifle ay dhawaan amar ku bixiyay in wafdi ka socda dowladda Soomaaliya aysan imaan karin magaalada Baydhabo, ayaa waxaa loo diiday in magaaladaas ay galeen wafdi ka socday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada.

2013-09-10 1:41 PM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa maanta heshiis iskaashi kula saxiixatay magaalada Sanca xukuumadda dalka Yemen kaddib kulammo maalmihii lasoo dhaafay ay halkaas ku yeelanayeen wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan dalka Yemen.

2013-09-10 1:26 PM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxmauud (Siillaanyo), ayaa maanta shahaadooyin gudoonsiiyey in ka badan kun arday oo ka qalinjabisay jaamacadda Golis ee magaaladda Hargeysa.

2013-09-10 1:20 PM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Munaasabad qado sharaf ahayd oo lagu soo dhaweynayey wafdigii uu hoggaaminayay Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa maanta loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

2013-09-10 1:16 PM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Fanaanadda caanka ee Soomaaliyeed, Hibo Maxamed Gudoon (Hibo Nuura) ayaa dib ugu soo laabtay 22-sano kaddib magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kaddib casuumaad ay ka heshay maamulka gobolka Banaadir.

2013-09-10 1:00 PM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Haweeney ayaa ku dhimatay laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen qarax bambaano oo gellinkii dambe ee maanta ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

2013-09-10 10:03 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Xafiiska Imtixaanaadka wasaaradda waxbarashadda Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasallada afaraad ee dugsiyadda sare iyo fasallada siideeddaad ee dugsiyada dhexe.

2013-09-10 9:38 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Inkastoo ay ku adkeyd in helaan tasiilaadkii iyo taageeradii ay u baahnaayeen haddana waxaa la oran karaa guddiga Isboortiga gobolka Hiiraan iyo naadiyada kala duwan ee ka dhisan gobolka bilihii ugu danbeeyay waxaa ay sameeyeen hormar ballaaran kadib markii tartamo is daba joog ah oo sare u qaadaya mooralka iyo niyada cayaartooyda ay ku qabteen magaalada Beledweyne.

2013-09-10 9:05 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca-weyn Soomaaliya ayaa shalay kusoo gaba-gabeysay magaalada Muqdisho tartan ay ugu magic-dartay todobaad dhaqanka kaasoo lagu soo dhaweynayay ardayda cusub ee ku soo biirtay jaamacadda.

2013-09-10 7:37 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiliay wafdi ka socday dalka Shiinaha oo uu hoggaaminayay safiirka Shiinaha ee Kenya, Liu Guangyuan ayaa waxaa ka mid ahaa khubaro ku xeel dheer qiimeynta dhismaha.

2013-09-10 7:23 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Kal-fadhigii saddexaad ee baarlamaanka Somalia ayaa maanta ka furmay Muqdisho iyadoo uu hadal dheer ka jeediyay madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo uu kaga hadlay waxqabadka xukuumaddiisa tan iyo markii isaga la doortay.

2013-09-10 7:05 AM EST
Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa maanta la horgaynayaa maxkamada dambiyada dagaalka ee The Hague, halkaasoo uu kaga jawaabi doono dacwado loo heysto oo ku aadan rabshadihii ka dhashay doorashooyinkii la isku khilaafay ee sanadkii 2007-dii ka dhacay dalka kenya.

2013-09-10 2:22 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Sheekh Axmed C/samad oo ka mid ah culummada ka qaybgalaya shirka looga xag-jirnimada ee Muqdisho ka socda ayaa sheegay in sababta loogu tukan la’yahay masaajidda Muqdisho ay tahay cabsi laga qabo Al-shabaab.

2013-09-10 1:58 AM EST
Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku beegan tahay hal sano kaddib markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed waxay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen waxqabadka dowladda halkii sano ee lasoo dhaafay.