4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Jaamacadda Muqdisho oo soo gabagabeysay Todobaad loogu magac-daray Toddobaadka Dhaqanka Jaamacadda (SAWIRRO)


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Jaamacadda Muqdisho oo ka mid ah jaamacadaha ugu faca-weyn Soomaaliya ayaa shalay kusoo gaba-gabeysay magaalada Muqdisho tartan ay ugu magic-dartay todobaad dhaqanka kaasoo lagu soo dhaweynayay ardayda cusub ee ku soo biirtay jaamacadda.

Munaasabaddan ayaa waxaa inta badan lagu soo bandhigay suugaan ay ka mid ahaayeen: gabayo iyo buraan-bur, waxaana ka mid ahaa arday halkaas ay kasoo jeediyeen gabayo ay ku cabirayeen wax-barashada iyo qiimaha ay bulshada u leedahay.

Gabayada laga soo jeediyay goobta ayaa waxaa ka mid ahaa mid loogu magic-daray: ( Jaamacadda Muqdishaay …. adaa Majaraha aqoonta u haya dalkeena maanta), kaasoo ay si weyn ugu riyaaqeen dadkii toddobaadkan ka qaybgalayay.

Waxaa kaloo halkaa isku bartay ardayda cusub iyo hormuudyada kulliyadaha kala duwan ee jaamacadaha Muqdisho, iyadoo toddobaadkan dhaqanka uu goobjoog ka ahaa guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho, macallimiinta iyo maamulka jaamacadda.

Aadan Axmed Xuseen (Aadan Xerow) oo ku hadlaya guddiga barnaamijkan soo qaban-qaabiyay ayaa halkaas hadallo kasoo jeediyay isagoo ugu horreyn u hambalyeeyay ardayda cusub kana sheegtay goobta inay yihiin arday nasiib-badan oo jaamacadda kusoo biiray xilli kulliyado cusub lagu biiriyay.

Guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho, Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar oo hadalkiisa ku billaabay  - Ma dheellinayso jaamacadda Muqdisho, mana dheellin doonto, Insha Allaah, waxaanan rajaynaynaa inay horumar intan ka badan u sameyso bulshada Soomaaliyeed. Jaamacadda Muqdishana ma aha jaamacad aan bulshadeeda waxba u qaban, waayo waxay soo saartaa dad akhlaaq wanaagsan leh.

“Jaamacaddu waxay mar walba mahad u haysaa dadka gacanta ka geysta, maalin baana u mahadcelin doonaa,” ayuu yiri guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho isagoo ku yiri hadal uu kula dardaarmayay macallimiinta wax ka dhiga jaamacadda: “Waxaa waajib idinku ah inaydaan ilmaha khiyaamin oo si fiican wax-u-bartaan. Waayo jaamacaddu waxay astaan u tahay inay siiso ummaddeeda waxbarsaho tayo leh.”

Dhanka kale, waxaa xaflad qado sharaf ah loo sameeyey macallimiinta iyo shaqaalaha ka hawlgala jaamacadda Muqdisho, taasoo qayb ka ah sidii loo dar-dargelin lahaa howlaha waxbarasho ee sannadka soo socda.

Xaflada oo uu soo af-jaray guddoomiyaha jaamacadda Muqdisho ayuu kula dardaarmay macallimiinta jaamacadda inay howlahooda sare u qaadaan maadaama ay sannadkan jaamacadda kusoo biireen kulliyado cusub iyo arday ka badan kuwii hore.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya