4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 10, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarunta Madaxtooyada Somalia kula kulmay Wafdi ka socday Dalka Shiinaha (SAWIRRO)


Talaado, September 10, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiliay wafdi ka socday dalka Shiinaha oo uu hoggaaminayay safiirka Shiinaha ee Kenya, Liu Guangyuan ayna qayb ka ahaayeen khubaro ku xeel dheer qiimeynta dhismaha.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay mas'uuliyiin ay kamid yihiin: ku-simaha ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay wafdiga Shiinaha booqashadooda Muqdisho iyo weliba heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Shiinaha iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay xiriirkii Soomaaliya dib u soo nooleyso oo ay mashaariicdii horena dib u dayactirto.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu dhexeeyey xiriir soo jireen ah, loona baahan yahay in lasii joogteeyo, isagoo dhinaca kale safiirka u gudbiyay farriin uu u geyn doono dhiggiisa dalka Shiinaha.

Liu Guangyuan oo isna u hadlay wefdiga Shiinaha, ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay aad ugu faraxsan tahay in xiriirkii taariikhiga ahaa ee Soomaaliya ay la lahayd dib loosoo celiyo. Liu ayaa dhanka kale xusay in safarkii ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ay ku tagtay dalka Shiinaha uu ahaa mid taariikhi ah oo dib u soo nooleeyay xiriirkii labada dal.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya