4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 31, 2013
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Xariga ka Jaray xafiis Cusub oo ay Hay’adda UNICEF ka Hir-gelisay Hargeysa (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 31, 2013 (HOL) — Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, C/rxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray xafiis cusub oo ay ka dhisatay hay’adda UNICEF magaaladda Hargeysa

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa uga mahdnaqay hay’adda Unicef adeegyada kala duwan ee horumarineed ee ay ka gaystay guud-ahaan Somaliland, waxaanu xusay inay hay’addu kaalin weyn ka qaadatay waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada aasaasiga ah.

Madaxweyne Saylici ayaa hay’adda qaramadda midodobay ugu baaqay inay kordhiyaan mashaariicda ay Somaliland ka wadaan, isla markaana  libinlaabaan shaqooyinka ay hayaan.

Wasiirka qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isna soo dhoweeyey xafiiska weyn ee ay UNICEF ka dhisatay magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu goobjoog ka ahaa wakhtigii la dhagax dhigayey dhismahan ay hay’adu dhisatay.

Sidoo kale, Sikander oo ka tirsan madaxda sare ee UNICEF ayaa sheegay in Somaliland shaqadooda ay ka bilaabeen sanadkii 1972, waxaanu tilmaamay mashaariic faro badan oo ay ka wadaan Somaliland, isla markaana waxa uu uga mahadnaqay xukuumadda wada shaqaynta ka dhexaysa.

Dhismahan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee hay’addaha Qaramadda midoobay ka dhisato Somaliland, waxaana munaasibad balaadhan oo loo sameeyey ka soo qaybgalay wasiiro ka tirsan xukuumada iyo marti sharaf kale.







Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland