4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 12, 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Calanku waa Astaanta Somalida oo dhan Mideynaya, Waana in shacabku muujiyo isku duubni"

Sabti, Oktoobar 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan sannad-guuradii 59-aad ee kasoo wareegtay markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago ciidda Soomaaliya u diray shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in calanka Soomaaliyeed uu yahay kii dadka oo dhan mideynayay, wuxuuna intaas ku daray in shacabka looga baahan yahay inay is-cafiyaan ayna muujiyaan isku duubni.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa 12-ka Oktoobar 1954-kii oo ahayd markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago Soomaaliya, waxaana rajeynayaa in sannadka soo socda aan u dabaal-dagno sannad-guuradiisii 60-aad,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in calanku uu yahay astaanka Soomaaliya mideynaysay loona baahan yahay in dadka oo dhan ay dhexda u xirtaan sidii loo difaaci lahaa loona ilaalin lahaa.

“Dalku wuxuu ku taagan yahay jidkii uu uga bixi lahaa dhibaatooyinkii uu kusoo jiray muddada dheer, waxaana shacabka weydiisanayaa inay muujiyaan isku kalsoonaan iyo is-aaminaad,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

1954-kii ayaa waxay ahayd markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taago ciidda Soomaaliya, xilligaas oo ay Soomaaliya gacanta ku hayeen gumeystayaashii reer Yurub.

Calanka Soomaaliya oo ka kooban laba midan oo buluug iyo xiddig cad oo shan gees leh ah ayaa waxaa hindisay Allaha u raxmadee Maxamed Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa halgamayaashii ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.

Soomaaliya ayaa lix sano oo maxmiyad ah kaddib waxay sannadkii 1960-kii si rasmi ah uga qaadatay gumeystayaashii Talyaaniga iyo Ingiriiska xorriyad, iyadoo wixii markaas ka dambeeyay ay Soomaaliya ahayd dal xor ah, balse 20-kii sano ee ugu dambeeyay ayay ku jirtay Soomaaliya dagaallo sokeeye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya