4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Bambaano khasaare nafeed geysatay oo lagu Weeraray Ciidamo ka Tirsan Milateriga Somalia oo ku sugnaa Yaaqshiid

Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay afar askarina way ku dhaawacmeen bam-gacmeed lagu weeraray ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Weerarkan oo dhacay gellinkii dambe ee maanta ayaa waxaa geystay koox dhallinyaro ah oo aan la garanayn, waxaana labada qof ee ku geeriyooday la sheegay inay ahaayeen laba wiil oo dhallinyaro ah oo ku sugnaa meel ku dhow halka ay ciidamadu ku sugnaayeen.

Sarkaal u hadlay ciidamada weerarka lagu qaaday ayaa sheegay in kooxihii weerarka geystay ay baxsadeen, isagoo xusay in afarta askari ee weerarka lagu dhaawacay ay laba ka mid ah xaaladdooda caafimaad aad u daran tahay.

“Qarax weyn ayaa dhacay, waxaan arkay laba dhallinyaro ah oo markiiba dhulka ku dhacay, askar ayaa iyaguna dhulka u dhacay ma garanayo inay ahaayeen kuwo dhintay iyo kuwo dhaawacmay,” ayay tiri haweeney ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Goobjoogayaal kale ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay howlgallo ka billaabaan xaafaddii weerarku ka dhacay ee degmada Yaaqshiid, balse ma aysan sheegin cid loo qabtay weerarkan.

Degmada Yaaqshiid ayaa ah degmada ay inta badan ka dhacaan falalka ay ka mid yihiin qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee ay geysato Al-shabaab iyadoo dhammaadkii bishii hore lagu dilay ku xigeenkii garyaqaanka guud ee dowladda Soomaaliya xilli uu kasoo baxay masaajid.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay xoogag iyada taabacsan ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaasoo fulin kara howlgal kasta oo ay u baahdaan, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa iyadoo waddooyin badan oo ku yaalla Muqdisho ay ku xiran yihiin sababo dhinaca ammaanka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya