4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo London kaga Qayb-galay kulan looga Hadlay Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somalia (SAWIRRO)


Arboco, May 8, 2013 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qayb-galay shir looga  hadlayey sidii ganacstada Soomaaliya iyo ganacsatada dalka Britain ay uga wada faa'iideysan lahaayeen fursadaha dhaqaale ee ka jira dalka Soomaaliya.

Shirkaan oo ay isla soo abaabuleen xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda iyo xafiiska horumarinta dibadda ee dalka Britain ayaa waxaa ka soo qayb-galay ganacsatada dalka Britain iyo ganacsata Soomaaliyeed oo ka kala yimid Soomaaliya, Nairobi iyo dalka Imaaraadka Carabta.

Waxaa ugu horeyntii halkaas khudbad ka jeediyey wasiirka arrimaha Afrika ee dalka Britain oo halkaas ku soo dhaweeyey madaxweyn Xasan Sheekh iyo wafdigiisa. Waxaa halkaas sidoo kale ka hadlay Wasiirradda dhaqaalah ee dalka Britain Justin Greening oo warbixin dheer ka bixisay fursadaha ka jira in la maal gashto Soomaaliya oo ku sheegtay in uu yahay wadan hodan ah. Waxayna sheegtay in ay dowladda Britain ay ku kaalmeyndoonta Soomaaliya $140 million Dollar oo lagu horumarinayo wax soo saarka Beeraha iyo dhoofinta xoolaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo halkaas ka hadlay ayaa isna ku gubaabiyey ganacsatada dalka Britain in ay maal gashtaan dalka Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in Soomaaliya ay hadda ka soo baxeysa dhibaatadii ay ku jirtay 22kii san ee la soo dhaafay oo hadda diyaar u tahay horumar iyo ganacsi.

"Nabadda dalka Soomaaliya oo ka soo rayneysa iyo siyaasadda dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa waxay abuureysaa fursado cusub oo lagu maal-gashto dalka Soomaaliya." ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa sidoo kale halkaas ka hadashay wasiiradda arrimaha dibadda ee dalka Soomaaliya marwa Fowzia Adan oo sheegtay in Soomaaliya uu yahay waddan ay ka buuxaan macaadiin kala duwan, shidaal oo waliba intaa u sii dheertahay beero. Waxay marwo Fowziya ay sheegtay in Soomaaliya ay haysto xeebta ugu dheer qaaradda Africa oo aadna ugu wanaagsan dalxiiska.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa kulankaan ku wehliyey Safiirka Cusub ee loo soo magacaabay dalkan Britain Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe

Shirka qaybtiisii dambe ayaa waxaa filayaa in ay ka hadlaan dad ay ka mid yihiin Duqa magaalada Moqdisho Maxamuud Axmed Nuur, agaasimaha sharikadda Dahabshiil Cabdirashiid Ducaale, Agaasimaha sharikadda Nation Link Eng. Abdi Mohamed Sabriye, Farah Abdulsamed, Hay'adda Adam Smith International, Ibraahim Yuusuf, madaxa qaybta isgaarsiinta ee Africa Business Association, Mohamud Cabdi Gabeyre, madaxa rugta ganacsiga Soomaaliya iyo ganacsatayaal kale.

Axmed Guure, Hiiraan Online
[email protected]