4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2013
Qaramada Midoobay oo Soomaaliya ka bilaabaysa Howlgal lagu taageerayo Dowladda, kaasoo loogu magac-daray UN-SOM


Jimco, May 03, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel-mariyay qorshe lagu billaabayo howlgal cusub oo Qaramada Midoobay ay ka billaabayso Soomaaliya, kaasoo loogu magac-daray UN-SOM, howlgalkaas oo fududeynaya in Soomaaliya ay nabad buuxda ka dhalato.

Qaraarka cusub ee Golaha Ammaanka uu ku meel-mariyay howlgalka ayaa waxaa lagu sheegay in qorshaha ugu muhiimsan ee howgalka uu yahay sidii Somaaliya loogu fidin lahaa taageero caalami ah oo habeysan, si wax looga qabato howlo ay ka mid yihiin nabadda, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

“Howlgalkan waa mid dowladay u horseedaya inay nabad kusoo dabbaasho dalka oo dhan, waana howgal loo baahan yahay,” ayuu danjiraha Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay Axmed Cilmi Ducaale ka hor-hadlayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaddib meel-marinta howgalkan cusub.

Xafiiska UNSOM oo noqon doona Muqdisho ayaa wuxuu dowladda ka caawin doonaa soo celinta nabadgelyada iyo in dib-u-heshiisiinta lagu baahiyo dalka oo dhan, sidoo kale wuxuu taageeri doonaa ciidamada Midowga Afrika ee loo yaqaan AMISOM, wuxuu gacan ka geysan doonaa dhismaha hay’adaha kala duwan ee dowladda, isku-dubaridka taageerada caalamiga ah, ilaalinta iyo dhowrista xuquuqda aadanaha, sharciga iyo ka-hortagga ku tumashada xuquuqda insaanka.

Hawlgalka ayaa waxaa madax ka noqonaya ergayga cusub ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu u magacaabay Soomaaliya, Nicholas Key, iyadoo sidoo kale lagu soo beegayo billaabashadiisa markuu xilka ka dagayo danjirihii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya danjire Augustine Mahiga oo ku beegan 03-da bisha Juun ee soo socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay howgalkaan cosatay si wax looga qabto ammaan-darrada uu dalku kusoo jiray muddada dheer ee 22-ka sano ah, iyadoo ogolaashaha golaha ammaanka ee howgalkan ay dowladda Soomaaliya soo dhaweysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya