4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2013
Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo oo ay ka qalin-jabiyeen in ka badan Toban Arday (SAWIRRO)


Jimco, May 03, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Baydhabo ka dhacday xaflad ay ku qalinjabinayeen arday dhameystray waxbarashaeda jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ee xarunteedu tahay Baydhabo, iyadoo ay xafladda kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen: xildhibaannada kala ah Sheekh Adan Madoobe iyo Maxmed Ibraahim Xaabsade, waxaa sidoo kale joogay mas’uuliyiinta gobolka Bay iyo saraakiil ka socday ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Dufcadda ka qalin-jabisay jaamacadda ayaa noqonaysa tii saddexaad oo ka baxda tan iyo maskii jaamacadda la aasaasay, waxayna barteen cilmiyada kala ah: xisaabaada iyo Kimistiriga, iyadoo goobta ay ka hadleen madaxda iyo macallimiinta jaamacadda.

Jaamacadda Koonfurta Somalia ayaa jaamacadda keliya ee ka jirta degmada Baydhabo taasoo wax weyn ka tartay waxbarashada gobalka Bay iyo kuwa kale ee ku dhow-dhow sida: Bakool, Gedo iyo Jubbada dhexe, iyadoo ay ka mid yihiin ardayda wax ka barta jaamacadda kuwo ka yimid gobolladan.

Kulliyada ay jaamacaddu ka kooban tahay ayaa waxay kala yihiin: kuliyadda waxbarashada , kuliyadda caafimaadka, kulliyada xisaabaadka iyo kuwo kale oo kala duwan, iyadoo hadda lagu soo kordhiyay kulliyadaha beeraha iyo daraasaaska Islaamka.

Waqtiyadii hore gobolladan Bay, Bakool, Gedo iyo Jubbada dhexe ayaa u doonan jiray waxbarashada jaamacadeed magaalada Muqdisho, iyadoo dhib badan kala kulmi jiray helitaanka waxbarasho jaamacadeed, iyagoo sidoo kale dhibaatooyin kala kulmi jiray dhinacyada dhaqaalaha iyo fogaanta ay u jirto.

Ardayda ka qalan-jibisay maanta jaamacadda Koonfurta Soomaaliya ayaa waxay gaarayaan 12 arday oo dhammaantood rag ahaa, waxayna qaateen shahaadada Bachelor-ka loo yaqaan.

Guddoomiyaha jaamacadda Koonfurta Soomaaliya, Dr. Maxamed Cali Kalaay oo hore u soo noqday wasiirkii waxbarshada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya xilligii dowladdii Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo hadal goobta ka jeediyay ayaa ammaanay ardayda qalin-jabiyay iyo kuwa waxbarashadu ay weli uga socoto jaamacadda.





Hiiraan Online, Baydhabo