2014-11-22
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2013
Khudbaddii uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ka jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya




A-Salaamu Caleykum Waraxmatullah,

Sharaf weyn bey ii tahay inaan mar-kale idin hor-imaado si aan warbixin kooban idinkaga siiyo xaaladda guud ee dalka, horumarka siyaasadda, Aragtida fog ee aan wada hiigsaneyno iyo inaan idin la wadaago warbixinta shirka London ee 7da May.

Ugu horreyntii, waxaan ammaan ballaaran halkan uga jeedinayaa Baarlamaanka sharafta leh sidii heer-ka sare aheyd ee aad u soo shaqeyseen tan iyo intii Baarlamaanka cusub uu howlgalay. Waxaan marnaba la illoobi karin kalfadhigii hore ee 4tii bilood ee ugu horreysey inaad qabsateen 46 kulan oo aad arrimo muhiim ah uga wada hadasheen, ugana doodeen, isla markaana aad go’aamadii ku habbooneyd ka gaarteen. Arrinkan taariikh bey aheyd oo sumcadii, sharaftii iyo karaamadii Baarlamaanka dib u soo celisay, oo shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba ay si aad ah idinkugu ammaaneen.

Sidoo kale, waxaad sameysateen guddiyo si toos ah ula shaqeeya wasaaraddaha oo isla xisaabtan iyo wadashaqeyn buuxda aad la leedihiin Xukuumadda. Waxaan la illoobi Karin in mas’uuliyiinta Xukuumadda ay idin hor-yimaadeen oo aad dhageysateen waxqabadkooda. Waxaa kaloo jirey in Baarlamaanku uu maanta marayo marxalad uu u adeego shacabka Soomaaliyeed, oo xildhibaanada sharafta leh qaarkood ay booqdeen degmooyinka iyo goboladda dalka iyagoo u soo kuurgalay xaaladda shacabka Soomaaliyeed. Waxaa muuqata in maanta uu jiro horumar iyo dadaal nooga wada baahan inaan dhammaanteen ku wada faraxno, una sii dar-dargelino si aan shacabka Soomaaliyeed u gaarsiino marxalad ay ku faani karaan, horeyna ugu sii socon karaan.

Waxaan markana jeclaan lahaa inaan wax ka iraahdo aragtida dheer ee aan hiigsaneyno:

Maxaan hiigsaneynaa  aragtida fog ee dhinaca siyaasada?

Aragtideena siyaasadeed ee muddada xilka naloo wakiishay (mandate) waxaa nalaga sugayaa inaan 2016ka dalka gaarsiino doorashooyin xor ah, isla markaana aan la nimaadno siyaasad, qorshooyin iyo istraatejiyad cad-cad oo kalsooni gelin kara shacabka Soomaaliyeed.  Sidoo kale waxaa jira howlo xadidan oo uu dastuurka na farayo oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dhameystirka dastuurka, dhameystirka qorshaha Federaalka, sameynta guddigyada madax-bannaan, sugidda amniga, hagaajinta hay’adaha maaliyada (Public Financial Management), is-gaaridda shacabka Soomaaliyeed (Political outreach) iyo arrimo kale oo badan.

Baarlamaanka sharafta leh waxaa loo wakiishay inay dejiyaan shariciyada muhiimka ah ee dowladdu ay u baahantahay, halka Xukuumadda laga filayo inay baarlamaanka hor-keenaan dhammaan sharciyadaha  uu dastuurku tilmaamayo iyo shariciyada kale ee muhiimka u ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumaddu waxey dhowaan idin hor keeni doontaa hindise sharciyeedyada ku aadan marxaladdan xasaasiga ah si hay’adaha dowliga ah ay u dar-dargeliyaan dhaqan gelinta howlaha muhiimka ah ee na wada horyaala oo ay ka mid yihiin:

Horumarinta Dastuurka:

Sidaan la socono dastuurku waa mid ku meelgaar ah oo aan dhamaytirnayn Sidaas daraadeed waxaa laga maarmaan ah in la qaado talaabooyin lagu taabagelinaya dhamaystirka iyo dib u eegista Dastuurka. Hadaba waxay Xukuumadu soo jeedin doonta  Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka kaasoo uu Baarlamaanku ansixin doono. Gudigani wuxuu ka baaraan degayaa oo dib u eegayaa dastuurka, isla markaan waqti kooban ku soo bandhigayaa talooyinka muhiimka ah iyo sidii loo dhaqangelin lahaa.
Waxaan rajeynayaa in Dastuurka iyo horumarintiisa inuusan nagu noqon caqabad oo khilaaf keeni kara. Waxaan idinka codsanayaa in si niyad sami leh looga wada shaqeeyo iyadoo aan shacabkeenana ka qeyb galineyno arrimaha Dastuurka. Danta guud inaan ka wada shaqeyno baan ku gaari karnaa wadajir iyo guul.

Arrimaha Federaalka:

Dowladdu waa mid federaal ah oo ku xusan dastuurka oo aan u dhaaranay inaan ka shaqeyno dhaqan gelinta Federaalka. Xukuumaddu waxey sida ugu dhaqsiyaha badan idiin kugu soo gudbin doontaa habka ugu habboon ee loo dhaqan gelin karo Federaalka oo faahfaahsan iyo Qorshaha xasilinta Dalka si aan inaga iyo shacabkuba u wada hiiigsano hiraal mid ah.

Sida aan la socotaan waxaa jira hay’ado lagama maarmaan u ah meelmarinta federaalka. Waxaa ka mid ah Gudiga Xuduudaha iyo Federaalka, iyo Hay’adihii kale ee lagama maarmaan u ah meelmarinta Federaalka.

Waxaa laga maarmaan ah in la dhiso maamuladii heer Degmo, Gobol iyo Dawlad Goboleed. Tani waxay saamaxaysaa inay dhismaan maamulo sharciyad ku dhisan haystana kalsoonida shacabka. Xukuumadu waxay diyaarisay oo dhowaan Baarlamaanku ka doodi doonaa qorshaha xasilinta iyo dhismaha maamulada dalka, taasoo tilmaan cad ka bixinaysa sida lagu hirgelinayo federaalka.

Waxaan dhowaan gaaray Garowe oo aan Madaxweynaha Puntland iyo xukuumadiisa la soo yeelanay wadahadal oo aan si saraaxad leh uga wada hadalnay arrimo fara badan oo muhiim ah oo ay ka mid tahay heshiiskii Xukuumadda la soo gashay Puntland oo xoojinaya wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Puntland. Bacdamaa Puntland ay in muddo ah nabad iyo nidaam federaal ah ku soo dhaqmayeen, waxaan u aragnaa inay muhiim u yihiin baahinta nidaamka federaalka oo aan u baahanahay inay nagala shaqeeyaan dhaqangelintiisa. La iskuma qilaafsana Fedraalka ee waxaa loo baahanyahay inaan ka wada shaqeyno sidii aan u hubin laheyn dhaqangelinta barnaamijkan. Puntland waxaa la aasaasay 1998-dii, xilligaasna ma jirin dowlad dhexe oo shaqeyneysa iyo dastuur. Sidaas daraadeed, waxey ku qasbanaadeen inay isu yimaadaan oo ay nidaamkooda dhistaan. Hase yeeshee maanta waxaan heysanaa Dowlad Rasmi ah oo mandate u heysata inay dalka gaarsiiso doorashooyin xor ah iyo inay horumarin ku sameyso dastuurka oo ay ka mid yihiin dhaqangelinta nidaamka Federaalka.

Sidaas daraadeed, waxaad la socotaan in Kismaayo uu ka socdo shir la doonayo in lagu dhiso nidaam federaal ah. Dowladdu dhowr jeer ayey tagtey Kismaayo oo wadahadallo la yeelatay dadka wada shirkaas. Hase ahaatee, waxaa jirta arrin dastuuri ah oo Dowladdu aysan ka hor imaan karin oo ah kan aan ku dhaaranay inaan illaalino. Maadaama, waajibka Dowladdu uu yahay meelmarinta nidaamka Fedraalka, Waxaan xoojinaynaa in awooda shacabka la siiyo oo ay dadku dhistaan maamulo ay iyagu raali ka yihiin, hase ahaatee waa in ay Dastuurka waafaqsanataa. Dawladu marna ma aqbalayso go’aan haldhinac ah oo lagu dhaqaaqo, waxaanse doonaynaa go,aan loo dhanyahay oo Baarlamaanka, Xukuumada iyo Hay’adaha dawlada Federaalka oo dhan ay qayb kawada yihiin. Dowladdu waxey rabtaa wixii shacabku rabo oo ah in shacabka Soomaaliyeed isu yimaadaan oo wada hadlaan isla markaana ay dowladdooda kala shaqeeyaan sidii sharciyadda lagu heli lahaa. Waxaan ka codsanay dadka ku shirsan Kismaayo inay shirka socda uu noqdo mid dib-u-heshiisiin iyo wadatashi oo ay dadka deegaanka isu soo dhoweyn kara isla markaana la shaqeeya dowladda. Waxaan ognahay in degmooyinka qaarkood ee Jubbooyinka ay weli gacanta Al-Shabaab ku jiraan oo u baahan in laga xoreeyo oo shacabka deegaankaas la gaarsiiyo adeegyada bulshada. Dan uma aha shacabka Deegaanada Jubbooyinka iyo Gedo in si caadifi ah la isu abaabulo oo laga horyimaado Dowlad iyo nidaam, oo aan hubno inay dan u tahay Al-shabaab oo awalba raadinayey khilaaf joogta ah, fowdo iyo nidaam la’aan. Shacabka Soomaaliyeed waxey sugayaan Dowladdooda oo hirgelisa dhammaan arrimaha loo igmaday (Mandate) oo aan rabno inaan wadahadal, dib-u-heshiisiin ku dhameystirno khilaaf walba oo jira si aan u wada gaarno aragtida fog  ee aan wada hiigsaneyno ee ah inaan doorashooyin xor ah dalka gaarsiino. Waxaan isla garanay in mudnaan gaar ah aan siino arrimaha amniga, garsoorka, iyo maamulka Maaliyadda iyo dib-u-heshiisiinta. Haddaba ii oggolaada inaan dul maro arrimahan:

Wadahadaladda Somaliland:

Waxaan dhowaan wadahadal la galnay Somaliland oo ay dawlada walaalaheen ah ee Turkiga ay fududaysay. Waxaan isla garanay inaan iska kaashano dhinacyo badan oo amniga uu ka mid yahay. Waxaan ku heshiinay in aan wadahadalka sii wadno.  Waxaan u mahadcelinayaa dowladda Turkiga oo shirkii aan dhowaan aniga ka qeybgalay suurto galisay. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa dawladaha Ingiriiska iyo Imaaraadka oo wadahadalkan kaalin fiican ka soo qaatay. Horay waxaan u sheegnay in aanan midminada dalka aysan gorgortan gelin islamarkaana waxaan garawsanahay in midnimada aanan jajuub iyo qasab lagu keeni karin.

Arrimaha Amniga:

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyagoo kaashanaya kuwa AMISOM waxey weli wadaan sidii kooxda Al-Shabaab dalka looga sifeyn lahaa. Sidoo kale waxey ku howlan yihiin sidii dalka loo xasilin lahaa oo runtii ka dhib badan xoreynta. Caasimadda Muqdisho waxaa weli ka socda howlgalladii oo ciidamada qalabka sida qeybihiisa kala duwan ay 24saac heegan joogta ah ugu jira sidii amni waara loo heli lahaa. Waxaad la socotaan in kooxaha nabad-diidka ah ay marwalba isku dayayaan sidii horumarka shacabka looga hor-istaagi lahaa oo ay argagax joogta ah u gelin lahaayeen shacabka. Tani ma aha mid aan u dulqaadan karno, oo waxaa waajib nagu wada ah inaan ciidamada qalabka sida la wada shaqeeyno si ay ahmiyadooda guud u gaaraan oo ah xasilinta dalka iyo soo celinta amni waara oo kalsooni siin kara shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan jeclaan lahaa inaan hortiina uga tacsiyeeyo dhammaan intii ku geeriyootay falalkii argagaxisada gaar ahaan kii xarunta Maxkamadda ee Gobolka Banadir ka dhacay. Falkan oo ah mid aan noociisa horey loo arag, waxey na tusineysaa sida ay mintidiintu isagu dayayaan inay siyaabo kala duwan u ugaarsadaan shacabka Soomaaliyeed. Waxaa nagu waajib ah inaan sameyno dadaal walba oo looga hortagi karo falalka noocan oo kale ah. Sidoo kale waxaan ka codsanay caalamka inay nagala shaqeeyaan la dagaalanka kooxaha argagaxisada ah bacdamaa uu dagaalkoodu yahay mid caalami ah una baahan caalamku inay hal meel uga soo wada jeestaan.

Ciidanku waxey si joogta ah u qaataan tababaro kala duwan oo lagu tayeynayo ciidanka, isla markaana Wasaaradaha iyo hay’adaha amniga ay ku howlanyihiin sidii ciidanka qalabka sida loogu heli lahaa tasiilaadkii iyo xuquuqihii ay u baahnaayeen.

Waxaan dadaal weyn ugu galnay sidiii cunaqabateynta hubka nalooga qaadi lahaa oo sida aad ka warqabtaan aan ku guuleysanay, tanoo nagu dhiiri gelineysa inaan horumarka baaxadda leh ee amniga aan sii joogteyno. Waxaan hubaa in dalku uu galayo marxalad aan dhammaanteen ku wada faani karno, sharaftii iyo karaamadii shacabkana soo celineysa.

Arrimaha Garsoorka:

Waxaad wada ogtihiin inaan mudnaan gaar ah siinay arrimaha garsoorka oo aan aaminsanahay inay waajib muqadas ah tahay in shacabku ay helaan garsoor caadil ah oo soo celin kara kalsoonida shacabka. Waxaan horey u ballanqaadnay in si deg-deg ah loogu baahanyahay dib-u-habeyn dhameystiran in lagu sameeyo garsoorka. Habka ugu haboon ee aan isku canqicanay ayaa ahaa inaan isu keeno aqoonyahanno khabiir ku ah arrimaha garsoorka iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, si loo helo fikir Soomaaliyeed oo saliim ah. Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in shirkaas muhiimka ahaa uu noo qabsoomay oo aan dalka gudihiisa isagu keenay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh khibradda garsoorka, culumaa’udiin, ururada bulshada rayidka ah iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo muddo 5 maalmood si saraaxad ah uga dooday arrimaha jira, caqabadaha iyo dib-u-habeynta uu u baahanyahay garsoorka Soomaaliyeed.

Xukuumadda ayaa ku howlan sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aamadii iyo talo soo jeedintii shirkaas ka soo baxday oo baarlamaanka sharafta leh lala soo socodsiin doono horumarka barnaamijkaan dib-u-habeynta garsoorka.

 Xiriirka Caalamiga ah:

Waxaad wada ogtihiin in maanta Soomaaliya ay mareyso heerkii ugu sarreysey oo aan ku wada faani karno oo aqoonsigii ugu sarreysey aan heysanno. Dadaaladdaas isa soo taraya, aqoonsiyada guud oo ay ka mid yihiin aqoonsigii Mareykanaka, EU, dhammaan dalalka caalamka iyo weliba aqoonsigii IMF iyo go’aankii QM ee qafiifinta cunaqabateynta, waxey dhammaantood na tusinayaan sida beesha caalamka ay uga go’antahay taageerada Soomaaliya. Hase ahaatee, horumarkaas baaxadda leh waxuu u baahanyahay in shacabka iyo dowladda oo wada socda ay ka wada faa’iideystaan. Waxaan marwalba aaminsanahay in taageerada beesha caalamka ay horumar keeneyso marka aan gudaheena is-aqoonsanno, is-tixgelino, oo si Soomaali ah u wada shaqeyno. Shaki iigama jiro inaan waddadii saxda aheyd ku taagannahay oo nooga wada baahan inaan isku si u wada aragno, fursadda dahabiga ah ee jirtana ka wada faa’iideysanno.

Political Outreach ( Is-gaarista bulshada dhexdeeda):

Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan idin la wadaago in Dowladdu ay maanta wada gaartay shacabka Soomaaliyeed oo deegaanno fara badan ay dowladdu gaartay isla markaana wada-tashiyo la soo sameysey shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaarahu waxuu gaaray gobollada dhexe, Galmudug, Garowe, Galkacyo, Kismayo, Jowhar, Shabeelada Hoose iyo Gedo. Sidoo kale aniga waxaan  gaaro Baydhabo, Beledweyne iyo Garowe. Guddoomiyaha baarlamaanka waxuu maalmo soo joogey Baydhabo. Horumarkan ayaa ah mid taariikhi ah oo nooga wada baahan inaan sii wadno si aan dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed ku dhameystirno si sulux ah oo wadahadal, is qancin iyo run isku sheegid ah. Sidoo kale, waxaan la hilmaami Karin doorkii saliimka ahaa xildhibaanada ay qaarkood deegaano fara badan ku gaareen oo u soo kuurgaleen xaalada shacabka deegaanaddaas.

Arrimaha Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda:

Waxaan horumar baaxad leh ka sameyney dib u habeynta maamulka maaliyadda. Waxaa farxad noo wada ah in Dowladda Norway ay maanta ku qanacday in nidaamka aan sameysanay uu yahay mid kalsooni gelin kara kaalmada wadamada caalamka ay sida tooska ah u siinayaa dowladda. Norway waxey  bilaabeysaa 1da Juun inay si toos ah noo soo gaarsiiyaan dhaqaale lagu kabayo miisaaniyadda dalka. Wasaaradda maaliyadda waxey soo dhameystirtay qorshihii maamulka maaliyadda (Public Finance Management) oo dhaqangelinteeda la bilaabi doono. Sidoo kale wasaaradda maaliyadda waxey markii ugu horreysey taariikhda soo bandhigtay xisaab xirkii 3dii bilood ee ugu horreysey taasoo waafaqsan ansixintii baarlamaanka sharafta leh ay miisaaniyaddaas ku ansixiyeen. Haa, ma helin dhaqaalihii aan sii saadaalinin ee dhanka miisaaniyadda, laakin waxaa qasab nagu noqotay inaan inta yar ee aan heli karnay aan si wanaagsan u maamulno. Wasaaraddu waxey kaloo diyaarisey qorshe aan dooneyno in lagu bilaabo canshuuraha berriga oo kobcin doonto daqliga guud ee dowladda, iyadoo la sameyn doono wacyigelin ku wajahan sidii shacabka iyo ganacsatada ay kaalin fiican uga qaadan lahaayeen canshuur ururinta oo ah mid ku waajibta dhammaan muwaadiniinta soomaaliyeed, si dalku u noqdo dal ay shacabka Soomaaliyeed leeyihiin. Shaki iigama jira haddii shacabka iyo ganacsatadu is kaashadaan inaan heli karno daqli aan howl maalmeedka dowladda ku socodsiino, isla markaan adeega bulshada aan wada gaarsiino dhammaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan ku guuleysanay in Bankiga Dhexe uu yeesho swift code oo saamaxaya in caalamka lacagaha loogu soo shubo. Sidoo kale Bankiga dhexe waxuu ku howlanyahay in lacagihii Soomaaliya ka maqnaa uu baadigoobo oo meel fiican u mareysa, rajeyneynana in dhowaan aan soo wada ururino lacagaas naga maqan.

Shirka London:

7da May 2013 waa maalin weyn oo taariikhi ah oo ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karaan. Waa maalin ay Soomaaliya shir caalami ah la guddoomineyso dowladda Ingiriiska. Waa maalin ay caalamku wada arkayaan Soomaaliya oo dib ugu soo laabatay beesha caalamka, isla markaan la shir guddoomineysa waddan ka mid ah waddamada caalamka ugu horreeya. Shirkan waa uu ka duwanyahay shirarkii hore  ee London lagu qabtay, waayo shirkaas waxuu ahaa mid UK ay u qabatay Soomaaliya, ha yeeshee shirkan waa mid UK aan ku heshiinay islana meeldhignay sidii Aduunku uu Soomaaliya u kaalmayn lahaa.  Waxaa shirka casumaadiisa fidiyey aniga iyo ra’iisuwasaaraha Ingiriiska, Waxaan shirka horgaynaynaa qorshayaal ay xukuumadu dejisay, kuwaasoo qayb ka ah lixdii tiir ee mudnaanta inoo ahayd. Waxaan horgaynaynaa shirka Qorsheheena Amniga, Cadaalada, Maareynta Maaliyada iyo aragtideena siyaasadeed. Waxaa kaloo kusoo qaadi doonaa sidii looga hortegi lahaa xadgudubka loo gaysto Haweenka, gaar ahaan kufsiga iyo taciyada kale.

Dowladda UK waxey noqotay dowladdii ugu horreysey ee muddo labo sano ah shir caalami ah ku qabatay London oo ay weliba Soomaalida u oggolaato inay shirka hoggaamiyaan. Waan uga mahadcelinaynaa dawlada UK iyo Ra’iisuwasaare David Cameron xilka uu iska saaray arrimaha Soomaaliya. Waxaan la socotaan in arrimaha Soomaaliya ay haatan mudnaan aduunka kaalin wayn ka gashay. Waxaa lagu soo qaday Kulankii G8 ka, waxaa shirka London xigi doona shir uu Bisha Semptember uu Midowga Yurub qabanayo kaasoo deeq aruurin dib u dhiska iyo horumarinta la xariirta lagu qabanayo. Waxaa kaloo bishan dhamaadkeeda Dawlada Japan ay qabaynaysaa shir lagu taageerayo dawlada Soomaaliya iyo dib u dhiska dalka iyo Horumarinta ah. Waxaad kaloo ogtihiin in dawlada Maraykanaka ay aqoonsatay dawlada Soomaaliya sidoo kale markii ugu horaysay aan ku soo noqonay hay’ada maaliyada ee caalimaga ah ee aan dib ugu soo noqonay IMF iyo in aan hada heli karno deeqaha Baanka aduunka.

Waxaan ka fileynaa shirka London in beesha caalamku ay taageeraan qorsheyaasha  aan hordhigno ee amniga, xasilinta, garsoorka iyo maareynta maaliyadda loo helo dhaqaalihii lagu hirgelin lahaa. Caalamku ma doonayaan in Soomaaliya ay dib ugu noqoto fowdada, dagaalada sokeeye, nidaam la’aanta, burcad badeednimada iyo argagaxisada. Caalamku waxuu doonayaa in Sooomaaliya ay noqoto dal nabad ah oo ka mid noqdo waddamada caalamka. Soomaaliduna waxey doonayaan in dalku xasilo, oo soomaaliya ay doorkeedii hore iyo mid ka fiican qaadato oo ay beesha caalamka wax la qabsato. Maanta waxaa is wada waafaqa danaha shacabka soomaaliyeed iyo kuwa beesha caalamka. UK-na waxey noo sahashay fursadan ee Soomaaliyeey aan ka wada faa’iideysano.

Gunnaanad:

Ugu danbeyntii, xildhibaanada sharafta leh waxaan idinka codsanayaa inaan si wada jir ah oo wallaaltinimo uga wada shaqeyno dhammaan howlaha muhiimka ah ee na sugaya, waxaan leenahay hal dowlad, hal shacabk iyo hal dal oo noo wada igmaday inaan marxaladdan adag ka wada saarno shacabka oo aan gaarsiino heer ay sharaftooda, karaamadooda iyo midnimadooda ay ku faanaan oo dalalka caalamka ay wax la qeybsadaan.

Soomaaliya waxey hormuud ka aheyd dalalka Africa iyo caalamka oo door saliim ah ka qaadan jirtay adduunka oo shaqsiga soomaaliyeed lagu xushmeyn jiray Soomaalinimada, baasaboorka, iyo haybadda uu leeyahay. Maantana waad la socotaan xaaladda aan mareyno. Waxaan u dhaaranay inaan ku dhaqanno dastuurka iyo sharuucda dalka, waana inaan ka dhabeynaa oo aan caadifad, lab-la=kac iyo deg-degsiimo aysan wax nooga haleynin.

Xildhibaanada sharafta leh, waad ogtihiin in kalsoonidii shacabka dhexdiisa isku qabay uu heer hoose marayo, waad ogtihiin, in 22kii sano ee fowadada aheyd dhaqankii suubanaa uu lumay, sidaas daraadeed, si aan u soo celino sharaftii, karaamadii iyo haybaddii shacabka Soomaaliyeed waa inaan si wadajir ah danta guud ay noo noqotaa midda kaliya ee aan wada hiigsaneyno si aragtideena dheer ay u noqoto mid noo wada hirgasha.

Mudanayaasha sharafta leh, waxaan rajeynayaa inaan si kooban idiinkugu dulmaray siyaasadda guud, qorsheyaasha na wada horyaalla iyo muhiimadda midnimada iyo wadajirka oo aan noqono kuwii isku kalsoonaada, is aamina, wada shaqeeya, danta guudna ay tahay waxa naga wada dhaxeeya. Soomaaliya Soomaali baa leh, ee Soomaaliyeey aan noqono kuwii taariikhda baal dahab ka gala oo caruurteenna iyo carruurtoodaba ay noqdaan kuwa la tartama caalamka kale oo is wallaashada, isku duubnaada, midnimadoodana ka wada shaqeeya.

Waxaan jeclaan lahaa inaan markale idiinkaga mahadcelinayo fursada aad I siiseen, oo aad waqtigiina qaaliga ah I siiseen. Wada shaqeyn wacan iyo nooli kulanto. Wa salaamu caleykum waraxmatullah.

Xigasho: Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya





Post your comments

2013-05-02 8:27 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Muqdisho ayaa meel-mariyay magacaabidda taliyeyaasha cusub ee hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliya iyo ciidanka booliiska Soomaaliya.

2013-05-02 8:13 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad uu ka jeediyay kulan gaar ah oo uu baarlamaanka Soomaaliya maanta oo Khamiis ah; wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin, ammaanka iyo waddooyinka xiran, shirka maamul u sameynta Jubbooyinka iyo shirka London ee toddobaadka dambe furmaya.

2013-05-02 7:32 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa sheegay inay 18-qof oo Al-shabaab ka tirsan ay gacanta ku hayaan, kuwaasoo horay loogu riday xukun maxkamadeed, balse rafcaan ka qaatay, mar labaadna ay qaar ka mid ah maxkamaddu ku ridday xukun.

2013-05-02 2:08 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah uu yeesho kulan ay warbixinno uga dhageysan doonaan madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

2013-05-02 1:59 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho ayaa maalintii saddexaad xiran; iyadoo Al-shabaab ay xirnaashahaas ku tilmaantay mid lagu curyaaminayo shacabka ku nool caasimadda Somalia ee Muqdisho.

2013-05-02 1:56 AM EST
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameysay guddoomiyihii degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, Daahir Xasan Xuseen, iyadoo xilkaas u magacowday gudodomiye cusub.