Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac (Indhasheel) ayaa taageero ballaaran u muujiyey maamulka Jubaland oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Indhasheel oo isagoo ku sugan magaalada Taleex ee gobolka Sool wuxuu sheegay in maamulka Jubaland ee uu madaxda ka noqday Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) uuna isaga iyo maamulkiisuba u arkaan doorasho xaq ku dhacday.
Maxaweyne ku xigeenka wuxuu u soo jeediyay dowladda federaalka Soomaaliya inay raacdo dastuurka isla markaana ay la shaqayso oo ay soo dhaweyso maamullada dadkoodu dhisanayaan oo uu u dambeeyo maamulka Jubaland.
Shacabka ku dhaqan deegaannada Gobolka Sool iyo deegaanka Cayn ee Buuhoodle ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan maamul goboleedka ka dhashay deegaannada Jubbooyinka ee loogu waqlalay Jubaland.
Dhanca kale, walaac weyn ayaa ka taagan degmooyinka Laascaanood iyo Xudun oo dhammaantood gobolka Sool ka tirsan kaddib markay soo dhawaatay maalinta maamulka Somaliland u astaysteen inay ka go'een Somalia inteed kale, taasoo guud ahaan gobolka Sool maalin ku lid ah ay 2005-tii maalinta nadaafadda ay astaan uga dhigteen.
Sannadihii ugu dambeeyey waxaa magaalada Laascaanood isku hsrdiyi jirsy ciidamada kala duwan ee Somaliland iyo shacabka oo wata agabka nadaafadda taasoo inta badan sababi jirtay dhimasho iyo dhaawac.
Lama garanayo maalita beri ah sida ay wax u dhici doonaan iyadoo magaalada Laascaanood lagu arkayo dad hawshaas wax iska weydiinay, qaar ka walaacsan, qaar u diyaar garoobaya maalinta ay aaminsan yihiin iyo qaar kale.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool
Maamulka Khaatumo oo soo dhaweeyay dhismaha Maamulka Jubaland ee looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo
More News
- Hay'adda HIRDA oo Magaalada Utrecht ee dalka Netherlands ugu Dabbaal-dagaysa Sannad-guurad 15-aad ee kasoo wareegtay Aasaaskeeda
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Wafdi ballaaran oo ka socda Urur Goboleedka IGAD
- Dagaal Ciidamada Dowladda Somalia iyo Xoogag Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool
- Jaamacadaha SIMAD oo Muqdisho ku qabatay kulan lagu soo dhaweynayo Iskaashi ay la yeelatay Jaamacad ku taala Malaysiya
- Hay'adda CCD oo Magaalada Muqdisho ku qabatay Xuska Maalinta Dhallinta Soomaaliyeed ee 15-ka Bishan May
- Somaliland oo si weyn loogu diyaar garoobay dabaal-degga 18-ka May iyo Dadweynaha oo iibsanaya Astaamaha Calanka
- Sh. Maxamuud Geelle: “Waxaan Rumeysanahay in Dunida Islaamku ay mid noqonayso, Anigu Somaliland iyo Somalia waan ka shisheeyaa”
- Urur-Siyaasadeedka MIDNIMO oo ka digey in Deegaannada Puntland ay ka billowdaan Qalalaase Siyaasadeed