4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 13, 2013
Shir looga Hadlayay Ammaanka ee Gobolka Bay oo lagu Qabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolkas

Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa lagu qabtay kulan looga hadlayay amamanka Gobalka Bay, kaasoo ay ka qaybgaleen dhammaan nabaddoonada beelaha Digil iyo Mirifle iyo maamulka deegmada Baydhabo.

Qodabbada loogu hadlay kulankan ayaa waxaa ka mid ahaa nabadgelyada magaalada , iyadoo toddobaadkii lasoo dhaafay ay ka dhaceen shaqaaqooyin dagaal oo ay isaga horyimaadeen ciidamada dowladda ee halkaas ku sugan, kaasoo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiyaha gobalka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow ayaa ka hadlay kulanka isagoo sheegay in ciidamada ay helayaan xaquuqdooda iyo mushaarkooda iyo wax walba oo ay u baahan yihiin balse looga baahan yahay inay qayb ka qaataan sugidda ammaanka,

“Annga gobal ahaan qayb weyn ka qaadanay in ciidamadu ay helaan xuquuqaadkooda, haddana waa khalad inay in iyagoo xuquuqaadkooda helay ay shacabka dhacaan, mana ah inay yiraahdaan xaquuq baa naga maqan kaddibna ay shacabka dhibaateyn ugu jeestaan,”  ayuu yiri Cabdi Hoosoow oo kulanka ka hadlay.

Sidoo kale, waxaa shirka ka hadlay Waxaa kaloo ka hadlay malaaqyada Digil iyo Mirifle; kuwaasoo sheegay in ammaanka shacabka uu xil weyn ka saaran yahay shaqsi kasta oo ku abtirsada qowmiyadda Digil iyo Mirifle ayna tahay in loo kaco sidii loosoo celin lahaa amniga gobalka Bay iyo degmooyinkiisa.

Hiiraan Online, Baydhabo