4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2013
Hay’adda OCHA oo Sheegtay in Daadad Dhimasho Sababay ay ku Dhufteen Deegaanno ka tirsan Koonfurta Soomaaliya

Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Hay’adda UN-OCHA oo isku-dubaridka gargaarka bani’aadamnimo u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in daad ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay Koonfurta Soomaaliya ay dileen toddoba caruur ah, 50,000 oo kalena ku qasbay inay guryahooda ka barakaac, sidoo kalena ay u baaba’een daadadkaas 6,400 oo hektar oo dhul-beereed ah.

Madaxa warfaafinta OCHA ee Soomaaliya, Roberta Russo ayaa sheegtay in daadadkan oo ka dhashay roobabka xilligan guga ay saameyn  xooggan ku yeesheen degmooyinka, Baydhabo, Jowhar, Miido iyo gobolka Shabeellada Hoose oo dhammaantood ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.

“Warbixinta aan hayno waxay sheegaysaa in toddoba caruur ah ay dhinteen 50,000 oo kalena ay guryahooda ka barakaceen, kaddib roobab xooggan oo ka da’ay Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo billowday Maarsadii lasoo dhaafay,” ayay tiri Russo oo la hadlayay wakaaladda wararka Shinwaa ee dalka Shiinaha.

Sarkaaladdu wuxuu intaas ku daray in kumannaan qof oo Soomaali ah ay guryo la’aan noqdeen kaddib markii ay guryahoodii burburiyeen biyaha xooggan ee ka dhashay roobabka, dadkaas oo ku noolaa deegaanno ka mid ah gobolka Shabeellada Dhexe.

Russo waxay intaas ku dartay in dadkan aysan helin wax digniino ah si ay uga hortagaan dhibaatooyinka ay daadku u geysteen guryahooda, iyadoo xustay in haddii ay heli lahaayeen digniino ay ka mar hore halkaas isaga tegi lahaayeen.

“Dadkan ma aysan helin wax gargaar ah oo looga raray deegaannadii ay ku qabsadeen daadadka, iyadoo biyuhu ay gaareen heer aad uga sarreeya dhulka,” ayay tiri Russo.

Hay’addu waxay warkeeda ku dartay in daadadkan qaarkood ay ahaayeen kuwo ka yimid dhulka buuraleyda ah ee ku yaalla Itoobiya, kuwaasoo ay soo qaadeen warbiyada Shabeelle iyo Jubba ee gobollada Koonfurta Soomaaliya ku yaalla.

“Webiyada Shabeelle iyo Jubba weli waxaa kusoo qulqulaya biyo badan oo ka dhashay roobabka xilliga. Daadadka iyo fatahaadaha webiyadan waxay dhibaato u geysteen dhul beereed ballaaran, dad badanna deegaannadoodii ayay ka barakiciyeen,” ayay Russo hadalkeeda ku dartay.

Waxay ku baaqday Russo in hay’adaha gargaarka ay caawiyaan dadka ay u geysteen waxyeellada daadka ka dhashay roobabka xooggan ee xilligan ka da’aya Soomaaliya.

“Arrintan wanaagsan ee in la maqlo loo baahan yahay waa inaan doonayno in aan gaarno goobaha ay daadku waxyeellada ka geysteen, si aan dadka ay roobabku dhibaatooyinka u geysteen u siinno biyo wanaagsan si aanay uga dillaacin deegaannadaas cudurka daacuunka,” ayay Russo hadalkeesa kusoo koobtay.

Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin dhibaatooyinka ay OCHA sheegtay in daadadku ay u geysteen dadka ku nool gobollada Koonfurta Soomaaliya iyo weliba dhimashada caruurta kasoo gaartay daadadkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya