4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2013
Gaadiidleydii ka Shaqeynayay Degmooyinka Gobolka Shabeellada Hoose oo Isbaarooyin Awgood u joojiyay Howlahoodii

Sabti, May 11, 2013 (HOL) — Gaadiidleyda ka shaqeysa degmooyinka gobolka Shabeellada Hoose ayaa saakay ku dhaqaaqay shaqo-joojin, kaddib markii ay sheegeen in isbaarooyin fara badan lasoo dhigtay waddooyinka isku xira degmooyinka gobolka.

Darawallda gaadiidka shaqo-joojinta sameeyay ayaa sheegay in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ay isbaarooyin ay lacago ku qaadayaan dhigteen jidadkaas, taasina ay keentay inay shaqadooda joojiyaan; maadaama aysan bixin karin lacagta ay ka doonayaan ciidamada isbaarooyinkta dhiganaya.

“Waddooyinka ay ciidamadu dhigteen isbaarooyinka waxaa ka mid ah midda aadda degmada Marko iyo midda aadda degmaa Wanlaweyn, baabuurtii oo dhan saakay waxay yaallaan degmada Afgooye mana bixi karaan iyadoo aan wax laga qaban isbaarooyinkaas,” ayuu yiri darawal ka mid ah kuwa joojiyay howlahooda oo saxaafadda la hadlay.

Sidoo kale, darawalkan wuxuu sheegay in dhibaatooyinka ugu weyn ee ay ku qabaan marista waddooyinkaas ay tahay handadaad ama caga-juleyn xoog leh oo ay ku hayaan ciidamada isbaarooyinka dhiganaya.

“Dowladda Soomaaliya waxaan ka codsanaynaa inay wax ka qabato dhibka ay nagu hayaan ciidamada dowladda iyo isbaarooyinka waddooyinka u yaalla,” ayuu yiri darawalka oo magaciisa u qariyay sababo la xiriira amnigiisa.

Inkastoo ay weli shaqeynayaan gaadiidka ka shaqeeya waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa darawallada gaadiidkan waxay dhawaanahan ka cabanayeen isbaarooyin is-babar-yaac ah oo ciidamada dowladdu soo dhiganayeen waddadaas.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ugu dhawaaqay in la qaado dhammaan isbaarooyinka yaalla gudaha magaalada Muqdisho iyo gobollada ku dhow-dhow, isagoo sheegay in arrintaas ay qayb ka tahay qorshe lagu joojinayo musuqmaasuqa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya