4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2013
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo Maanta la wareegay Deegaanka Aw-diinle ee Gobolka Bay

Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia kuwa AMISOM oo wata gaaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa la wareegay maanta deegaanka Awdiinle oo ka tirsan gobolka Bay, kaasoo Baydhabo u jira 30-km, waxaana deegaankan ku sugnaa xoogagga Al-shabaab.

Ma dhicin wax iskahorimaad ah oo dhexmaray ciidamada isbahaysanaya iyo kuwa Al-shabaab, iyadoo deegaankan lagu sheego inuu yahay goobta keliya ee ay Al-shabaab ka heli jirtay dhaqaalaha, waxaa mari jiray gaadiidka aada  deegaanka Mandheera ee dalka Kenya.

Lama yaqaan xoogaggii Al-shabaab halka ay aadeen, iyadoo deegaanka uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowladda oo is-garabsanaya ay kala wareegaan Al-shabaab kuna dhow degmada Baydhabo.

Deegaankan ayaa waxaa dhowr jeer horay u qabasday ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya inkastoo ay dib uga baxayeen, waxaana loo maleynayaa in ciidamada hadda qabsaday ay joogi doonaan.

Waxaa kaloo jirta in ciidamada AMISOM ay la wareegeen goobo badan oo ay ciidamada Itoobiya horay u fadhiyeen sida deegaanka Goof-gaduud oo aad ugu dhow magaalada Baydhabo iyo goobo kale.

Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM lagu wado inay gaaraan degmada Qansax-dheer oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya, waxayna doonayaan inay halkaas ka dhigaan saldhig weyn oo ay ka difaacaan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo deegaanka Awdiinle iyo Qansax-dheere ay isku jiraan 60-km.

Hiiraan Online, Baydhabo