4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2013
Ammaanka Hay’adaha Samafalka ee Baydhabo oo lagu Wareejiyey Shirkad Ammaan oo lagu Magacaabo Galeyr


Jimco, May 10, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan waxay ahayd mid ammaankeeda faraha ka baxay; sidaas awgeed rag ganacsato ah ayaa sameystay shirkad qaabilsan ammaanka oo lagu magacaabo Galeyr, (Galeyr Security Service Corp) taasoo loogu talogalay inay ilaalso hay’adaha samafalka ah eek a howgalla Baydhabo.

Shirkaddan ayaa waxaa ciidamadeeda ka mid ah qaar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay la wareegtay; waxaana shirkadaas fasax ay ka heshay maamulka cusub ee gobalaka Bay.

Shirkadda cusub ee ammaanka ayaa beryahan ku howlanayd soo dhaweynta hay’adaha samafalka ee kusoo qulqulayo magaalada Baydhabo, iyadoo ay ku wareejinayeen magaalada si ay u dejiyaan goobo ammaan ah, sida guryaha oo loo kireeyo iyo ammaankooda oo la sugo xilliyada ay tagayaan xeryaha ay ku sugan yihiin barakacyaasha iyo xafiisyada maamulka gobolka.

Ciidamada shirkadda Galeyr ayaa maalmaha lagu arkayay jidadka waaweyn ee Baydhabo iyo xafiisyada hay’adaha samafalka, iyadoo ay tahay horumar dhinaca ammaanka ah oo u soo hoyatay Baydhabo oo ay maalmahaan ka dhacayeen falal isugu jira kufsi iyo dhac loo geysanayo dadka shacabka ah.

Taliyaha qaybta booliska gobalka Bay, Col. Mahad Cabdiraxmaan oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegey in ciidamada dowladda ay sameeyeen kufsi iyo falal burcadnimo, iyagoo kufasade lix haween ah.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Baydhabo, Xasan Biikole ayaa horay u sheegay in ciidamada dowladdu ay kufsadeen haweeney lahayd uur lix blood ah; taasoo xaaladeeda caafimaad ay tahay mid aan wanaagsanayn una baahan in la gargaaro.

Hiiraan Online, Baydhabo