4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Itoobiya uga qaybgalaysa shir looga hadlayo Ammaanka Dalalka IGAD


Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta u dhooftay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasoo ay uga qaybgalayso shir looga hadlayo amaanka dalalka Bariga Afirka oo ay soo diyaarisay IGAD.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo saxaafadda kula hadashay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegtay in shirkan ay kasoo qaybgalyaan wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka IGAD, loogana doondayo qorshawha xasilinta dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

“Waxaan ka qaybgalayaa shirka wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka ku midoobay urur goboleedka IGAD oo looga hadli doono qorshaha xasilinta dalalkaas, waa qorshe horey loo sii diyaariyay oo laga fikiray, waxaana  rajeynayaa in dowladayda ay guul ka gaarto ajandayaasheeda qaran ee u qorsheysan,” ayay tiri Fowsiyo Yuusuf.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheetay in shirkan uu qabsoomi doono 03-May isla 04-ta bishan ay kulmi doonaan madaxweynayaasha dalalka gobolka si ay u sii dhaqaajiyaan waxyaabihii ay isla garteen wasiiradda arrimaha dibadda ee IGAD.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Fawsiyo Yuusuf ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku sii sagootiyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradda oo uu ugu horreeyo ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Avv. Xirsi Xaaji Culusoow iyo siyaasiyiin kale.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya