4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2013
Al-shabaab oo ku Gooddisay inay u Aaridoonto Dadkii lagu dilay shalay Duleedka Magaalada Boosaaso ee Puntland


Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa ku goodisay inay u aargudi doonto 13-kii qof ee shalay lagu dilay duleedka Boosaaso, iyadoo ku tilmaantay falkaas xasuuq loo geystay dad aan waxba galabsan oo la iska soo xirxiray.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay deegaannada ay Al-shabaab ka taliso ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in falkan uu ahaa mid fool-xun oo lagula kacay dad muslimiin ah oo lagu eedeeyay wax aysan shaqo ku lahayn, sababta keliya ee lagu haystana ay ahayd inay ahaayeen dad muslimiin ah, isagoo u diray tacsi ehellada dadkaas.

“Dhacdadii lagu dilay 13-ka qof ee ka dhacday duleedka Boosaaso waxay ahayd xasuuq maalmihii lasoo dhaafay kusoo laalaabanayay Soomaaliya; iyadoo maalmo ka hor ay ahayd markii qaab sidaan aan waxba ka duwanayn dad muslimiin ah oo ku jiray xabsiyada Muqdisho ku yaalla, kuwaas oo lasoo dhigay maydadkooda wadooyinka, arrimhaas oo dhanna waa wax isku xiran oo aanay wax farqi ah u dhaxaynin,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in dadkan ay ahaayeen kuwo ay horay u xukuntay maxkamadda ciidamada Puntland, laguna helay dilka Dr. Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan iyo falal kale oo aan kuwaas ka duwanayn, iyagoo sheegay in dilka uu ahaa mid uu maamulka Puntland go’aan ku gaaray.

“Falka ka dhacay Boosaaso waa dhacdo aanan ka dhicin dalaka xorta ah ee Islaamka; balse waa dhacdo inta badan ka dhacda dalalka muslimiinta ah ee ay gaalada iyo gala-raacyadu xoogga ku haystaan,” ayuu afhayeenku mar kale yiri.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay inay marar badan uga digeen dadka muslimiinta ah in cadawgu ay dhacdooyin noocaan oo kale ah kula kici doonaan, gaar ahaan markii ay Muqdisho dadka ku xasuuqeeyn, haddii maalinkaas dadka Soomaaliyeed ay ka kici lahaayeen uusan yimaadeen falkan oo kale, Haddii dadka Boosaaso ay falkan ku kici waayaanna ay soo socdaan kuwo kale oo la mid ah.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay ugu aargudayaan dadkaas, ayna beegsan doonaan dhammmaan kuwii bixiyay amarka lagu dilay, kuwii dilka fuliyay, kuwii xukunka riday, kuwii jaasuusay, kuwii marqaati-beenaadka ku furay, isagoo sheegay inay marsiin doonaan mid walba ciqaab adag.

Ugu dambeyn, Sheekh Cali Dhere wuxuu ku boorriyay dadka ku nool Puntland inay u istaagaan sidii ay dhulkooda uga saari lahaayeen wuxuu ugu yeeray gaalada iyo kuwa la safan, isagoo xusay in hadda ay diyaarinayaan gaadiidkii ay kusoo qabqaban lahaayeen iyo xabsiyadii lagu guri lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya