4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Wardegdeg ah: Labo qarax oo is daba joog ah ayaa laga maqlay xaafada Islii ee magaalada Nairobi
Talaado, March 05, 2013 (HOL) - Xilli la sugayo natiijada doorashada ayaa daqiiqado ka hor waxaa xaafada Islii ka dhacay labo qarax oo is daba joog ah.

Waxaana qaraxyadan lala beegsaday goob qamriga lagu cabo oo ku taal agagaarka masaajidka al-Hidaaya ee xaafada Islii.

Goob jooge halkaas ku sugan ayaa Hiiraan Online u sheegay in qaraxyadu ay dhaceen xilli dadku ay kasoo baxeen salaadii cishaha.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan.

Waxayna qaraxyadu ku soo beegmeen xilli la sugayo natiijada doorashada ka dhacday waddanka Kenya maalintii shalay ahayd.

Wixii soo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeena dambe.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya