4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo Xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Arday ka socotay Dugsiyada Sare ee Magaalada Hargeysa

Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, ayaa maanta qasriga madaxtooyadda ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah ardayda dugsiyadda sare ee magaaladda Hargeysa.

Ardaydan ayaa tobabar loo geeyey loo barayo qaabka ay madxtooyaddu u shaqayso iyo kala dambeynta ka jirta, waxaana lagu soo wareejiyey dhamaan xafiisyadda ay ka kooban tahay madaxtooyadda Somaliland.

Agasimaha madaxtooyadda Xasan Cabdi Madar ayaa warbixin ka siiyey ardaydan dugsiyadda sare ee magaaladda Hargeysa, waxaanu sharaxaad ka siiyey qaabka ay u shaqeeyaan iyo kala dambeynta ka jirta xarunta Somaliland looga arimiyo, sidoo kale waxa ay salaan ka qaateen ciidamadda ilaaladda madaxtooyadda oo uu halkaasi ku soo dhoweeyey taliyaha ciidamadda madaxtooyadda.

Ardaydan oo ka koobnaa shan dugsi sare oo ku yaalla magaaladda Hargeysa, ayaa waxa hogaaminaysay wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare marwso:Samsam Cabdi Aadan, waxaana ardayda la bareyey inay fahmaan qaabka iyo nidaamka ay u shaqayso qasriga madaxtooyadda Somaliland.

Ardaydu waxay booqdeen Xafiiska Taliyaha Ciidamadda madaxtooyadda, xafiiska hab maamuuska madaxtooyadda, Xafiiska afhayeenka madaxtooyadda, xafiiska wasiirka madxtooyadda, xafiiska hadal qoraalka, sidoo kale waxa la geeyey guriga uu madaxweynuhu u hoydo oo ay ku soo dhoweysay marwadda kowaad ee madaxweynaha marwo: Aamino Waris, ka dibna waxay tageen xafiiska madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici oo uu si fiican usoo dhoweeyey ardayda, ugana waramay qaabka  uu xafiiskiisu u shaqeeyo.

Intaas ka dib waxa la geeyey xafiiska madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, waxaanu madaxweynuhu  halkaasi ku soo dhoweeyey ardaydaasi, isagoo ku guubaabiyey inay waxbarashadda ku dadaalaan  oo ay noqdaan arday dalkoodda wax u baratay oo mustaqbalka anfici doonta.

“aad baan idin soo dhoweynayaa waa markii ugu horeysay ee ay taariikhda dhacdo inay arday soo booqdaan xafiiska madaxweynaha oo shaqaynaya soo booqdaan”ayuu yidhi madaxweyne Axmed Siillaanyo oo xafiiskiisa ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah ardayda fasaladda afraad ee dugsiyadda Sare ee magaaladda Hargeysa, waxaanu intaasi ku daray “booqashadani waxay muujinaysaa in dalkani yahay mid la wada leeyahay, halkana ay tahay meel aad higsanaysaan oo qaar idinka mid ahi fadhiisan doonaan, idinka mustaqbalkii dalka ah, madaxtooyaddu waa tiinii, madaxweynuhu waakiinii, aad baan idinku soo dhoweynayaa qasriga madaxtooyadda”.

Sidoo kale, ardaydan ayaa iyaguna u mahadceliyey madaxweynaha iyo madaxda madaxtooyada ku sooo dhoweysay, waxaanay sheegeen inay ku faraxsan yihiiin booqashadan aqoon korodhsiga ah, waxaanay tilmaameen in aanay waligood ku riyoon inay madaxtooyadda yimaadaan, socdaalkana yahay kii ugu horeeyey ee ay ku yimaadaan madaxtooyadda Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waa marki ugu horeysay ee ardayda dugsiyada sare ee dawladda loo geeyo qasriga madaxtooyada, isla markaana loo sharaxay qaabka ay u shaqayso iyo xafiis waliba waxa uu qabto.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland