4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Uhuru Kenyatta oo weli haya hogaanka doorashada, iyadoo la tiriyay codadka Afar Milyan oo ka mid ah kuwii la dhiibtay

Talaado, March 05, 2013(HOL) - Uhuru Kenyatta ayaa wali hogaaminaya doorashada, isagoo helay 54% codadka la tiriyay oo gaaraya 4 milyan oo cod.

Kenyan election 4.jpg
Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Rut

Waxaana ku soo xiga Ra’iisul wasaaraha haatan Mr. Raila Odinga oo helay 40% codadka la tiriyay.

Natiijada ayaan wali si rasmi ah aan loo ogaan Karin, maadaama ay shalay codeeyeen in ka badan 10 milyan oo Kenyan ah, iyadoo doorashadana ay isu diwaan galiyeen dad kor u dhaafaya 14 milyan.

Hadii wareega koowaad lagu kala adkaan waayo waxay noqonaysaa in la aado wareeg labaad oo noqonaysa inay dhacdo 5-ta bisha soo socota ee April.

Balse hadii uu wareegan koowaad xaqiijiyo mid kamid ah musharrixiinta inuu helo 51% codadka guud ee la dhiibtay, kana helo 25%, 25 county oo kala duwan, waxaa uu noqonayaa madaxweynaha afraad ee Kenya, waxaana la dhaarinayaa 26-ka bishan March.

Dadweynaha dalka Kenya ayaan manta aan u soo bixin dibadda, guryahoodana ka fiirsanaya tirinta codadka, iyadoo socodkuna uu yaryahay magaalooyinka kala duwan ee dalka.

Caasimadda Nairobi wali waxaa xiran ganacsiyadii, waxayna dadweynuhu u dhag taagayaan waxa kasoo bixi kara natiijada doorashada, iyadoo dad badani ay ka cabsi qabaan in rabshado ay dhacaan marka lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah.

Xaafada Islii ee Soomaalidu ay ku badanyihiin ayaa iyadana ay wali xiranyihiin inta badan ganacsiyada marka laga reebo meelaha qaar ee lagu qaxweeyo, halkaas oo ay Soomaalidu kaga doodayaan doorashadii dhacday, iyagoo kala taageeraya musharrixiinta ay u kala codeeyeen.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya