4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Dalka Kenya oo ay socoto codbixintii bilaabatay 6-dii subaxnimo
Isniin, March 04, 2013 (HOL) - 14 milyan oo ah muwaadiniinta u dhashay dalka Kenya ayaa saaka 6-dii subaxnimo loo furay goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan.
Kenya.jpg
Daniel Arap Moi oo 89 jir ah ayaa codkiisa dhiibtay

Dadka ayaa goobaha qaar safafka sii galay saqdii dhexe ee xalay, iyadoo lagu arkayay magaalada Nairobi dad safaf dhaadheer ku jira.

Gudoomiyaha gudiga doorashada ee dalka Kenya oo goordhow warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in goobaha ay u sooroobi wayday inay furmaan  6-dii aroornimo gadaal wakhtiga looga kordhin doono.

Waxaana uu tilmaamay in doorashada ay si nabadgalyo ku jirto uga socoto guud ahaanba dalka oo dhan.

Dadka cododkooda dhiibtay ayaa waxaa kamid Daniel Arab Moi oo ah madaxweynihii hore ee dalka Kenya oo muddo 24 sano ah ka talinayay dalka intii aysan Kenya u gudbin nidaamka dimuqraadiga ah.

Waxaana Moi uu codkiisa ka dhiibtay goob codbixineed oo ku taalla jaamacadda Kabarak.

Kenya3.jpg
Dadweynihii xalay habaynimo safafka sii gala

inkastoo ay dhaceen shaqaaqooyin  ammaanka wax u dhimaya ayaa haddana Magaalooyinka Gaarisa iyo Mombasa oo ay awood ku leeyihiin muslimiintu ay doorashadu si deggan uga socotaa.

Waxaana la filayaa in tirinta codadku ay bilaabato 6-da maqribnimo, iyadoo 48 saacadood gudahoodna lagu dhawaaqi doono natiijada sida ay sheegeen gudiga doorashada ee IEBC.

Doorashadan ayaa waxaa u taagan 8 musharrax, kuwaasoo ay ugu cadcadyihiin Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Uhuru Kenyatta.


Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya