4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
MADAXWEYNE AXMED SIILAANYO: "Ma jirto cid nagu qasbaysa wax aanay dani ugu jirin Umaddayada” (SAWIRRO)


Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa maanta yeeshay shirweyne aan caadi ahayn oo golaha dhexe ku ansixinayo in dib loo dhigo shirweynaha xisbiga iyo in golaha dhexe lagu soo kordhiyo xubno ka yimid ururadii siyaasadda ee doorashadda golaha deeganka ku hadhay.

Shirweynahan oo ay iskugu yimaadeen xubnaha golaha dhexe, qaar ka mid ah ururadii siyaasadda ee hadhay, golaha wasiiradda, guddida diiwaangelinta ururada siyaasadda , hogaanka xisbiga iyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Xisbiga kulmiye oo bilihii u dambeeyey khilaafkooda dibadda usoo baxay, isla markaana ay keentay in dib loo dhigo shirweynaha xisbiga  oo sharciyan ahayd in bishan la qabto ka dib markii hogaanka sare ee xisbiga la isku qabtay, waxaanu madaxweynuhu soo jeediyey in shirweynahaasi dib loo dhigo si aanu xisbigu u kala burburin, taas ayaa keentay in shirweyne aan caadi ahayn iskugu yimaadaan golaha dhexe maadaama oo xeerka xisbigu tilmaamayi inay awood u leeyihiin inay dib u dhigaan shirweynaha.

Kulimiye 09.JPG (660×440)

Shir sanadeedkan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa ka hadlay madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaanu sheegay in xisbiga kulmiye yahay mid dimuqraadi ah oo aragtidda lagu kala duwanaan karo, balse aan lagu kala tageyn, waxa kale oo uu ka hadlay shirweynaha London uga qabsoomayo arrimaha Soomaaliya iyo wada hadaladda u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

“Shirkan waa kii sanadlaha ahaa ee xisbiga, waxaana taasi marag u tahay inuuu xisbigani yahay mid gaamuray oo saldhig u tahay raacista sharciga iyo horumarinta geedi socodka dimuqraadiyadda, xisbi dimuqraadi ah ayey caadadiisa tahay inuu yeesho aragtiyo iyo afkaar kala duwan, kamana jirto wax mushkilad ah oo ka taagan xisbiga”ayuu yidhi madaxweynuhu mar uu ka hadlayey khilaafka laga sheegayey xisbiga.

Wax kale oo uu ka hadlay shirka London loogu qabanayo Soomaaliya, waxaanu yidhi  “shirka London kama qaybgalayno oo waxaanu u aragnaa in aan na khuseyn, dannina aanu ugu jirin qarankan Somaliland”.

Isagoo wada hadaladii udhexeeyey somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yiri: “Wada hadaladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu barnaamij  socda oo ka soo bilaabmay shirkii London ee sanadkii hore, taas oo dunida ku go’aamiyey inay ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed, intaas ka dibna waxa dhacay shirkii duleedka London ka dhacay iyo kii Dubay ka dhacay, waxaana ku kala saxeexanay qodobo dhaxal gal ah oo hor dhac u ah wada hadaladaasi, mana jiraan wax iska kaayo badan, diyaarna waanu u nahay in loo wada hadlo si siman”ayuu yidhi waxaanu intaas raaciyey “mana jirto cid nagu qasbaysa wax aanay dani ugu jirin umaddayadda”.

“Wadatashina waxaanu ka yeelanay goleyaasha qaranka wakhtigi shirka la tagayey, mana jirto cid makhaayadaha wax nooga yeedhinaysa iyo wada tashi aanu kala yeelano dadka suuqa jooga, qarankana waxa uu leeyahay cid matasha oo aanu wax kala tashano”ayuu yidhi madaxweynuhu oo u jawaabayey siyaasiyiin dhaliilay.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in aanay wax khilaaf ahi ka jirin xisbiga dhexdiisa, balse dimuqraadiyadu ay wadato in aragtiyo lagu kala duwanaado, taasina ay markiiba dhamaato.

Waxa kale oo golaha dhexe ansixiyey heshiishyadii lala galay uraradii hadhay ee ku soo biiray kulmiye iyo in shirweynaha xisbiga dib loo dhigo muddo lix bilood ah, kuwaas oo dhamaantoodba ansixiyey.

Kulimiye 02.JPG (660×440)

Si kastaba ha ahaatee, shirweynahan golaha dhexe ayaa dadku indhaha ku hayeen qaabka uu u dhacayo, maadama oo loolan adag ka dhex jiro masuuliyiinta KULMIYE, waxaana inta badan kulmiye caado u ah in markasta oo shirweyne qabsadaan la isku qabsado oo qaar ka dudaan, haseyeeshee shirkani waxa uu u muuqday mid dibadda lagu soo dhameeyey oo khilaafkii madasha ka dhici lahaa xal laga gaadhay.

Kulimiye 07.JPG (660×440)

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland