4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 31, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Doorashadiisii la Ansxiyay

Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kaddib markii maxkamadda sare ee dalkaas ansixisay in Kenyatta uu ku guuleystay doorashadii madaxdnimo ee Kenya oo dhacday horraantii bishan.

Go’aanka maxkamadda Kenya ay ku ansixisay doorashada Kenyatta ayaa yimid kaddib markii uu maxkamadda dacwad u gudbiyay Raila Odinga oo ay aad isugu dhawaayeen, waxaana Odinga iyo kooxdiisa ay ku doodyeen in la musuqaamusay doorashada, balse waxay aqbaleen natiijada maxkamadda.

“Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed iyo kan xukuumadda federaalka, waxaan hambalyo kal iyo lab ah u dirayaa madaxweynaha la doortay ee Kenya. Waxaan kaslooni buuxda ku qabaa inaad hoggaanka Kenya u dhaqaajin doonto jiho horumar leh sannadaha soo socda,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray.

Madaxweyne Xasan ayaa qoraalkiisa ku sheegay in natiijada doorashada ay muujinayso in madaxweynaha cusub ee Kenya ay u doorteen inuu wax weyn ka bedelo mustaqbalkooda.

“Waxaan aamisannahay in xiriirka Keneya iyo Soomaaliya uu u sii jiri doono sidii walaalnimada lahayd ee uu u jiray,” ayuu yiri madaxweynaha Somalia oo sheegay in madaxweynaha cusub ay ka rajeynayaa inuu sii xoojin doono xiririkaas.

Kenya ayaa waxay ciidammo kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ciidamadaas ay ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada Hoose oo ay ka mid tahay degmada Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya