2014-11-26
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 30, 2013
Dadweynaha Soomaaliyeed oo soo dhaweeyay safaradda uu Ra’iisul Wasaare Saacid ku tagayo Gobollada Dalka



Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Kaddib markii la magacaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa wuxuu ku tagay gobollada dalka booqashooyin uu ugu kuugalayo xaaladaha ka jira gobollada dalka, taasoo ay shacabka Sooamaliyeed aad u soo dhaweeyeen.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa booqasho taariikhi ah oo aan horay u dhici ku tagay magaalada Kismaayo, iyadoo mas’uul dowladeed uusan degmadaas ku tegin tan iyo markii dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Booqashadan ayaa waxay ahayd mid uu ku bixiyay waqtigii ugu badnaa ee uu ku bixiyo booqasho uu ku tagay gobol ku yaalla Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu u kuurgalay xaaladda ay ku nool dadka ku nool magaaladaas iyo howlaha kala duwan ee ka socda. Iyadoo dadka ku nool Kismaayo ay u soo dhaweeyeen booqashadaas.

Ra’iisul waaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay intii ay ku sugnaayeen degmada Kismaayo kulammo la qaateen maamulka KMG ah ee magaaladaas, qaybaha bulshada, ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo uu ku ammaanay howsha ay halkaas ka hayaan.

Dadka ku nool magaalada Kismaayo iyo shacabka intiisa kale ayaa muujiyay dareen farxadeed oo ay u qabaan booqashada wafdiga ra’iisul wasaaruhu ay ku tageen Kismaayo, iyagoo sheegay in ra’iisul wasaaraha uu yahay kii ugu horreeyay ee booqda magaaladaas, halka kuwii ka horreeyay ay iska fariisan jireen Muqdisho ama ay u bixi jireen safarro dibadeed.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha oo qaadatay saddex maalmood ayaa indhaha dadka Soomaaliyeed kusoo jeedisay sida xukuumadda ay uga go’an tahay u kuur-gelidda xaaladaha dhabta ah ee ka jira gobolada dalka ee dowladda ay ka taliso, taasoo ay dalka intiisa badani ku tilmaameen mid loo baahnaa.

Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay wafdiga ra’iisul wasaaraha markii ay shalay kasoo laabteen Kismaayo, iyadoo ay soo dhaweeyeen boqolaal dadweynaha reer Muqdisho ah iyo mas’uuliyiinta kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

2013-03-30 3:51 PM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno, aynaka mid ahaayeen, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyo wasiirka gaashaandhiga ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo la kulmay waxgaradka iyo maamulka.

2013-03-30 2:48 PM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ansixisay in Uhuru Kenyatta uu ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday horraantii bishan Maarso, natiijadii ay soo saareen guddiga doorashadana ay ahayd mid sax ah, waxaana go’aanka maxkamadda aad u soo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha xilka banneynaya ee Kenya, Raila Odinga oo dacwad uu ku diidan yahay natiijada u gudbiyay maxkamadda sare ee Kenya.

2013-03-30 2:46 PM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Deegaanno hoos yimaada gobolka Bay qaarkood waxay dhaliil u soo jeediyeen hay’adaha samafalka qaarkood sida UNICEF, ICRC, FAO iyo NRC kuwaasoo kawada howlo gargaar deegaannada dhibaatada ka jirto,

2013-03-30 11:52 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Magaaladda Ceeryaan ee koonfur galbeed ee gobolka Sanaag, ayaa lagu soo afjaray khilaaf u dhexeeyey laba beelood oo wadda dega deegaankaasi.

2013-03-30 8:06 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wasiirka Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale,ayaa ka jawaabay eed loo soo jeediyey oo ahaa in gaadiid ay dawladu iibsanayso dad gaar ah uu ku siiyey qandaraasyo.

2013-03-30 8:02 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Dowladda Somaaliya ayaa wadda qaban-qaabada shir-weynaha Qaran oo looga tashanayo dib u habeynta garsoorka oo uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay 11-kii bishii Febraayo ee sanadkan. Shirkan ayaa wuxuu billaabanayaa 01-da April wuxuuna soconayaa illaa 05-ta isla bisha April ee isla sanadkan 2013, wuxuuna ka dhacayaa magaalada Muqdisho.

2013-03-30 7:28 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wafdi ay horkaceyso wasiirka wasaarrada hormarinta adeega bulshada ee dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo uu dhawaan ka dillaacay cudurka shuban-biyoodka.

2013-03-30 7:21 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

2013-03-30 6:49 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Dhaqaatiirta caafimaadka ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa ku dhawaaqay in magaalada Baladweyne uu ka dillacay cudurka daacuunka.

2013-03-30 4:05 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaah dibadda Kanada, John Baird ayaa sheegay in sannadkan uu booqan doono dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay dowladdiisu gacan weyn siin doonto dowladda cusub ee Soomaaliya.

2013-03-30 3:47 AM EST
Sabti, Maarso 30, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay sii-daynta Bashiir Makhtal oo Somali-Canadian ah kuna xiran dalka Itoobiya muddo lix sano ayaa lagu qabtay xalay magaalada Ottawa ee dalka Kanada, iyadoo kulankaas ay kasoo qaybgaleen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ottawa, mas’uuliyiin uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Kanada, xaaskii Bashiir Makhtal iyo walaalkiis iyo mas’uuliyiin kale.