4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo Xilkii ka Qaaday Madaxii Guddiga Doorashooyinka ee Gobolka Selel

Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha, Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa xoghayaha dowladda hoose ee Saylac u magacaabay, Bashiir Cilmi Waabari xoghayihii komiishanka

doorashada ee gobolka gobolka Salal oo hore u qaadacay natiijada doorashada ee Saylac, taasoo dhalisay khilaaf aad u xoog badan isla markaana sababtay in xildhibaannadii beesha Ciise uga soo baxay ay dhammaantood is-wada-casilaan.

Xukuumadda Siilaanyo oo hore dhag-jalaq ugu siin wayday dhawaqyadii uu ku sheegayay in natiijada laga soo saaray doorashada deegaanka Saylac ay khaldan tahay, ayaa haddana xoghayihii ay hadaladiisa khaladka u arkaysay u dhiibtay xil cusub oo ah xoghayaha dawladda hoose ee Saylac.

Tallaabadan ayaa waxay muujinaysaa in xukuumadda Somalilanad ayaa garowsatay inuu markii hore ka sax sanaan xoghayihii komishanka doorashooyinka gobalka Selel inay doorasho xor ah ka dhicin gobalka Selel.

Dhinaca kale, xilalka ay rabto inxukuumadda Somaliland u magaacawdo beesha ayay ku rabataa inay ku dajiso xaaladda cakarin ee ka jirta demgada Saylac.

Khadro Xasan Nuux, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland