3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Kulanka Baarlamaanka Somalia ee Maanta oo lagu wado in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu khudbad ka jeediyo


Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa lagu wadaa in khudbad uu kaga warramayo howlaha u qabsoomay xukuumadda uu ka jeediyo maanta fadhiga baarlamaanka uu ku yeelanayo xaruntiisa Muqdisho.

Kalafdhiga labaad ee baarlamaanka ayaa waxaa shalay si rasmi ah u furay madaxweyne Xasan Sheekh Maaxamuud, kaddib muddo laba bilood ah oo ay xidlhibaannada baarlamaanka ku maqnaayeen fasaxoodii sannadkan, iyadoo kalfadhigan uu socon doono tan iyo dhammaadka sannadkan.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu khudbadiisa kaga hadli doonnaa waxayaabihii u qabsoomay xukuumadda iyo waxyaabaha ay baarlamanaka ka doonayaan,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed C/llaahi Cali oo ka mid ah howl-wadeennada baarlamanka Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay.

Xukuumadda Soomaaliya oo jirta muddo saddex bilood ah ayaa waxay dadaal badan ugu jirtaa sidii ay hoggaanka ugu qaban lahayd maamullada loo sameynayo gobollada dalka iyo inay dib u soo celiso ammaanka guud ee dalka, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu dhowr jeer sheegay inay ka go’an tahay inay dalka ka saaraan marxaladdii uu kusoo jiray 22-kii sano ee lasoo dhaafay.

Lama oga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in khudbadiisa uu kusoo qaadi doono shirka maamul u sameynta Jubbooyinka ee ka socda Kismaayo, kasoo uu maalin ka hor sheegay inaysan dowladdu u aragto mid aan dastuurka waafaqsanayn.

Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa wuxuu noqonayaa kulankii koowaad ee kalfadhigii labaad ee baarlamaanka, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay in kulammada hore ee baarlamaanka lagu dhageysan doono wixii u soo qabsoomay xildhibaanno tagay gobollada dalka qaarkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/3/2013 1:03 PM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Maayarka golaha deegaanka magaalada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle ayaa sheegay maanta in golaha deegaanku Saylac uu cod aqlabiyad ah ku hakiyay ama ku diiday inay xildhibaanadii is-casilay ka aqbalaan is-casilaadooda. Arrintaas oo uu sheegay maayarku inay filayaan inay wax iska bedelaan.

3/3/2013 12:38 PM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha, Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa xoghayaha dowladda hoose ee Saylac u magacaabay, Bashiir Cilmi Waabari xoghayihii komiishanka doorashada ee gobolka gobolka Salal oo hore u qaadacay natiijada doorashada ee Saylac, taasoo dhalisay khilaaf aad u xoog badan isla markaana sababtay in xildhibaannadii beesha Ciise uga soo baxay ay dhammaantood is-wada-casilaan.

3/3/2013 11:32 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Gudoomiyihii hore ee gobolka Bay, C/fitaax Ibraahim Maxamed (Geeseey) ayaa maanta xilkii ku wareejiyay Cabdi Aadan Hesoow oo ah guddoomiyaha cusub ee dowladda Somalia ay u magacowday guddoomiyaha gobolka Bay.

3/3/2013 9:10 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa maanta khudbad uu kaga warbixinayay waxyaabihii u qabsoomay muddada 100-ka maalmood ah ee ay xukuumaddiisu shaqeynayso ka horjeediyay kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya.

3/3/2013 8:34 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah ku xukuntay lix bilood oo xabsi ah wariye C/casiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) oo ay horay maxkamada gobolka Banaadir ugu xukuntay hal sano oo xabsi ah, iyadoo sii daysay maxkamaddu gabar sheegtay in la kufsaday oo iyadana horay loogu xukumay hal sano oo xabsi ah.

3/3/2013 8:02 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa shalay oo Sabti ahayd albaabbada isugu dhuftay Radio Al-Ixsaan oo ka mid ah idaacadaha madaxabannaan ee ka howgala degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, iyadoo xarigaas uu si adag u cambaareeyay ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

3/3/2013 7:38 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Golaha Deegaanka degmadda Gabiley, ayaa ansaxsaday miisaaniyad sanadeedkii ay ku shaqayn doonaan sanadkan 2013-ka, taas oo ay ka muuqato mushahar kordhin loo sameeyey shaqaalaha dawladda hoose iyo xidlhibaanadda golaha deegaanka Gabiley.

3/3/2013 7:15 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Cutubyo ka tirsan ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM oo ay weliyaan ciidamo ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo saakay ka ababaxay magaalada Baladweyne ayaa gaaray deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud bartamaha Soomaaliya.

3/3/2013 7:08 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Sida ay u xaqiijiyeen HOL dadka deegaannka Halgan xarakada Al-shabaab ayaa galinkii danbe ee maalintii shalay meel fagaaro ah ku gubay lacag shil Soomaali ah oo lagu sheegay cadadkeeda ilaa 25 milyan.

3/3/2013 3:26 AM EST
Axad, March 03, 2013 (HOL) - Dadweynaha dalka Kenya ayaa maalinta isniinta ah u dareeri doona gooba codbixinta si ay u soo doortaan madaxweynahoodii afraad.

3/3/2013 1:36 AM EST
Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Deegaanno ka tirsan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa laga soo sheegayaa inay ka jirto biyo la’aan xooggan, kuwaasoo saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku nool deegaannadaas.