4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia oo ka warbixiyay Natiijadii kasoo baxday Wadahadalladii Kismaayo (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo gellinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa warbaahinta uga warbixiyay natiijada kasoo baxday wadahalladii Kismaayo iyo kulamadii uu la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in muddadii koobnayd ee Kismaayo ay ku sugnaayeen ay ka gungaareen ujeeddadii safarkooda, isagoo xusay inay si dhab ah u dhageysteen una ogaadeen xaaladda dhabta ah ee Kismaayo ka jira, wuxuuna sheegay inay gaarsiiyeen fariinta dhabta ah ee ay dowladdu u waday.

“Waxaan ogaannay in dadka ku nool Kismaayo iyo dowladda uu ka dhexeeyo xiriir wanaagsan, raallina ka yihiin imaatinka dowladda," ayuu yiri Saacid oo intaas ku daray inay ku camal fali doonaan dhaqan-gelinna doonaan fariimaha shacabka.

Maamulka Kismaayo:

"Si kooban haddaan u taabto waxyaabihii aanu kusoo aragnay, Kismaayo waxaan ka jira maamul si deg-deg ah loo sameeyay, markii dadkii nabadda diidanaa laga saaray halkaas, waana u kuur-galnay, waxaana la shaakeystay guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa, sida uu u dhisan yahay, waxyaabo badana waan u kuurgalnay, waxaana noosoo baxday inuu u baahan yahay in muddo gaaban gudaheeda si dhameystiran dib loogu eego, raalli ayaanse ka nahay," ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo ka hadlay maamulka Kismaayo.

Shirka Kismaayo:

"Waxyaabaha kale ee aanu kusoo aragnay Kismaayo, waxaa ka mid ah shir-weyne ka socda Kismaayo oo ay qaban-qaabiyeen dad Soomaaliyeed oo runtii iskood u dadaalay, shirweynahaas danta ay u qal-qaaliyeen markii aan weydiinnay waxay noogu sheegeen inay ku dhisayaan maamulka Jubbaland oo mustaqbalka la filayo, runtiina waan u kuur-galnay waana dhegeysannay, dabcan waxaan bogaadinaynaa marka dhibaato timaaddo qaabka loo wajahayo inay tahay qaab dadka ka billowda, kana tashada aayahooda, hase yeeshee waxaan si cad ugu sheegnay dadweynaha iyo madaxda Kismaayo qaarkood, inay quman tahay in xal lag  doono dadka dadka gudihiisa,” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaraha.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: "Qaabka shirka loo diyaarinayay ma aha mid waafaqsan sida aan ugu talogalnay in maamul goboleedyada loo dhiso, marka aan sidaasi leeyahay, waxaan uga danleeyahay, marka la sameynayo maamul goboleed waxaa hoggaaminta dowladda iska leh dowladda, iyada ayaana iska leh xaqiijinta sida loogu dhan yahay, laakiin go'aan-ka-gaaridda dadka ayaa iska leh."

"Shirkaas waxaa ka maqnaa wax badan oo ay ka mid tahay shuruuc, doorkii dowladda iyo xaqiijinta," ayuu mar kale yiri isagoo tilmaamay in shirkani ay qayb ka yihiin dad wanaagsan oo dowladnimo doonaya, balse qaabkan ma ahan sida lagu gaari karo xalka,” ayuu warkiisa ku daray isagoo raaciyay: "Shirkaas waxaa kasoo baxaya ma noqon doono mid shacabka gaarsiinaya maamul rasmi ah oo la aqoonsado, maadaama bilowgiisa uu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka."

Arrinta maamulka isagoo kasii hadalaya ayuu yiri: "Waxaan soo jeedinay in shirkaas hoggaankiisa lagu wareejiyo dowladda, si ay u waafajiso  tallaabada lagu gaari karo dowlad-goboleed, inta ay ka saxmayaan shuruudahaas si loogu bedelo shirka dib u heshiisiin, maadaama taariikhda Jubbooyinka marka la eego dadku ay u baahan yihiin dib u heshiisiin dhab ah."

"Maanta markii aan soo tagaynay, waxay maamulku codsadeen in la siiyo muddo saddex maalmood gudahood ah ay jawaab cad bixin doonaan, laakiin anigu markaan eegay duruufaha faraha badan ee muuqda, waxaan soo jeediyay in xitaa 20 maalmood ay ay qaataan haddii aysan dhib ku ahayn, laakiin iyagaa qabsaday saddex cisho waana ka dhur-sugeynaa," ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ciidanka Xoogga ee Kismaayo Jooga:

"Magaalada Kismaayo waxaan kusoo aragnay qaybo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo qayb weyn ka qaatay sidii looga sifeeyay nimankii caddowga ahaa ee haysan jiray gobolka, runtiina waxay ku nool yihiin duruufo adag, iyagoo muddo dheer aanan wax mushaar ah qaadan, aad baana ugu haynaa qalbi wanaagsan, duruufta ay ku shaqeeyeen mid aad u adag ayayna ahayd, waxaana jecelnahay in aanu uruurinno, una fududeyno sida ay waajibaadkooda u gudan lahaayeen".

Ciidanka AMISOM ee Kismaayo:

"Kismaayo waxaa jooga ciidanka AMISOM oo qayb ka qaatay xoreynta gobolladaas, iyagoo kaashanaya ciidamadeenna, waana u mahad-naqeynaa, joogistoodana waa mid loo baahan yahay, waxna kama qabno in maamulka ay lasii shaqeeyaan inta uu ka imaanayo maamul sal-balaaran," ayuu mar kale yiri.

Dadka Reer Kismaayo:

"Waxaan rabaa inaan caddeeyo, inaanu maqsuud ka nahay sidii Kismaayo  naloogu soo dhaweeyay iyo sidii naloo soo sagootiyayba, waxaana xaqiiqo noo noqotay in dadka Kismaayo oo duruuf adag iyo taariikh dagaal sokeeye soo maray ay diyaar u yihiin inay dawladdooda daba-istaagaan oo ay qayb ka qaataan horumarrada socda," ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Ugu dambeyn, ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa xusay inuu sii wadi doono safarrada ay xukuumaddiisu ku kala bixinayso gobollada dalka si ay ugu kuur-galaan xaaladaha nololeed, siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo horumar ee bulshada Soomaaliyeed.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya