4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Ciidamo ka tirsan dowladda oo mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa Duleedka Kismaayo oo maanta magaalada soo gaaray


Jimco, 29 Maarso, 2013(HOL) :- Ciidamo aad u tiro badan oo katirsan dowladda Soomaaliya islamarkaasina mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa duleedka magaalada ayaa maanta gudaha usoo galay magaalada Kismaayo, iyadoona ciidamadani la dajiyay saldhigyo ku yaal gudaha magaalada.

Ciidamadan oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 500 oo askari ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa duleedka magaalada Kismaayo, gaar ahaan nawaaxiga garoonka caalamiga ah ee Kismaayo, waxaana ciidamadani ay maanta gudaha usoo galeen magaalada.

Mid kamid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamada oo HOL ugu waramay qadka teleefonka ayaa sheegay in ciidamadani ay tiradooda gaareeyso ilaa 500  oo askari oo katirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, wuxuuna xusay in saraakiisha guutada labaad ee ciidamada xoogga dalka ay usoo badaleen in ay ka howlgalaan gobolka J/hoose.

Masuulkani ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadani aysan ahayn ciidamo qabiil balse ay ka koobanyihiin qabaa’illo kala duwan, wuxuuna intaa ku daray in ujeedka loo soo badalay ay tahay in ay xoojiyaan ciidamada dowladda ee howlgallada ka wada gobollada Jubooyinka.


Ciidamada ayaa imika saldhig ka sameystay warshaddii hore ee hilibka oo ka tirsan xaafadda shaqaalaha ee magaalada Kismaayo, waxaana ilaa imika jirin wax hadal ah oo ku aadan ciidamada soo gaaray magaalada oo kasoo baxay masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.

Ciidamadan ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa ay ku sugnaayeen duleedka magaalada Kismaay, waxaana soo badalaadooda ka dhashay khilaaf xooggan, iyadoona masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo ay kasoo horjeesteen in ciidamadani ay gudaha usoo galaan magaalada.

Xaaladda magaalada ayaa imika dagan wallow ay jirto cabsi ay dadka shacabka ah ka muujinayaan ciidamada cusub ee maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

……………
Max’ed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho-Somalia.