3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Wafdigii uu hogaaminayay Ra’isul wasaare Saacid ee ku sugnaa Kismaayo oo dib ugu Laabtay magaalada Muqdisho

Jimco, 29 Maarso, 2013(HOL) - Wafdigii uu hogaaminayay ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya ee maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Max'uud Xaaji (Fiqi), Xildhibaanno iyo wariyeyaal ayaa saaka aroortii ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaana qeybtii labaad ee wafdiga ay baxeen maanta gelinkii danbe.

Ra’isul wasaaraha oo uu wehlinayay wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, Saraakiil iyo Lataliyeyaal ayaa waxa ay maanta ka ambabaxeen garoonka Kismaayo waxaana intii ay garoonka  ka imanayeen wehlinayay masuuliyiinta ugu sareeysa maamulka KMG ee Kismaayo oo ay kamid yihiin gudoomiyaha maamulka KMG Sheekh Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer)

Ra’isul wasaaraha iyo golihiisa wasiirada wax faahfaahin ah kama bixin shirarkii ay magaalada Kismaayo kula qaateen masuuliyiinta maamulka Kismaayo, haseyeeshee waxaa garoonka Kismaayo warbaahinta kula hadlay Gudoomiye ku xigeenka maamulka KMG Kismaayo Yaasiin Raadeer kaasoo sheegay in safarkii ra’isul wasaaraha uu ugu dhamaaday si guul ah, isagoona ka gaabsaday in uu faahfaahin ka bixiyo waxyaalihii la isku afgartay iyo weliba hadii uu jiro khilaaf.

Warar hoosaad ay shabakadda HOL ka heleyso shirarkii maalmihii ugu danbeeyay ay magaalada Kismaayo ay ku lahaayeen wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka Kismaayo ayaa tibaaxaya in uu dhicisoobay wadahadalkii u dhexeeyay dowladda iyo maamulka Kismaayo.

Qodobo dhowr ah ayaa la sheegay in ay ku heshiin waayeen gudiyada labada dhinac ee loo xulay in ay ka wada hadlaan masiirka gobollada Jubooyinka, sida ay HOL u xaqiijiyeen ilo xog ugaal u ah shirka, waxaana arinta ugu weyn ee ay labada dhinac isku mari waayeen la sheegay in ay tahay arinta maamul u sameynta Jubooyinka.

………..
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.













Click here
3/29/2013 3:44 PM EST
Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) - Duqa magaalada Ottawa ee dalka Kanada Jim Watson oo ay wehliyaan xubno ka tirsan madaxda degaanada magaalada Ottawa ayaa guddoonsiiyey Fartuun Cabdisalaam Adan abaalmarin ay ku muteysatay howlaha sama-falka oo ay ka waddo magaalada Moqdisho. Xafladdaas oo ay soo abaabuleen hay'adda "City for All Women Initiative" laguna qabtay xaruunta magaalada Ottawa (City Hall)

3/29/2013 2:32 PM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo ka mid ah dalalka ku yaalla Khaliijka Carabta, isagoo caawa wadahadallo la yeeshay dhaxal-sugaha dalkaas, Maxamed Bin Zayed Al-Nahyan, iyagoo uga hadlay kulankooda arrimo la xiriira: ammaanka, dib u heshiisiinta harumarka iyo siyaasadda.

3/29/2013 1:29 PM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Roobabkan oo billowday saqdii dhexe ee xalay oo socday illaa barqonimadii maanta ayaa waxay ka da’een deegaanno iyadoo degaannadaas ay kasoo baxayaan in roobabku ay geysteen khasaare isugu jirta naf iyo maal.

3/29/2013 12:49 PM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo gellinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayaa warbaahinta uga warbixiyay natiijada kasoo baxday wadahalladii Kismaayo iyo kulamadii uu la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada Kismaayo.

3/29/2013 10:29 AM EST
Jimco, 29 Maarso, 2013(HOL) :- Ciidamo aad u tiro badan oo katirsan dowladda Soomaaliya islamarkaasina mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa duleedka magaalada ayaa maanta gudaha usoo galay magaalada Kismaayo, iyadoona ciidamadani la dajiyay saldhigyo ku yaal gudaha magaalada.

3/29/2013 3:47 AM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Xaflad ballaaran oo lagu sagootinayey 135 arday oo ka qalin jebiyey fasalka afraad ee dugsiga sare ayaa shalay galab ka dhacday xarunta dugsiga sare Imaamu Shaafici ee magaalada Boosaaso.

3/29/2013 3:34 AM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno ku saabsan eedeymaha ku saabsan in ciidamada dowladda ay dhibaatooyin u geystaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ahayd inay difaacaan, isagoo xusay in haddii askari lagu helo dambi wax laga weydiin doono sarkaalkii xukumayay.

3/29/2013 3:05 AM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa soo dhaweeyay xukunkii ay maxkamadda ciidamada ku ridday gacan ku dhiiglihii dilay wariye Xasan Yuusuf Absuge, iyadoo xoghayah guud ee NUSOJ, Cumar Faaruuq uu xukunkaas ku tilmaamay mid hoos u dhigaya dilalka loo geystay suxufiyiinta Soomaaliyeed.

3/29/2013 2:29 AM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Wadahadalladii u dhexeeya xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo ayaa guul-darro ku dhammaaday kaddib markii la isku fahmi waayay wadahadallo socday shantii maalmood ee lasoo dhaafay.

3/29/2013 1:58 AM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Dhallinyaro kooxo-kooxo u abaabulan ayaa la sheegay inay dhibaatooyin isugu jira dhac iyo kufsi ka geystaan xilliyada habeenkii ah magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyadoo taliyaha booliiska uu sheegay inay xirxireen kooxo kuwaas ka mid ah.

3/29/2013 1:42 AM EST
Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliy, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay rajeynayaan inay helaan hubkii ugu horreeyay tan iyo markii laga qaaday cunno-qabateyntii hubka ee saarnayd Soomaaliya in ka badan 20 sano, si ay u xoojiaan ciidamadooda dagaalka kula jira Al-shabaab.