4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 29, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Askarigii lagu helo dambi wax laga weydiin doono arrintiisa sarkalkii Xukumayay

Jimco, Maarso 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno ku saabsan eedeymaha ku saabsan in ciidamada dowladda ay dhibaatooyin u geystaan shacabka Soomaaliyeed oo ay ahayd inay difaacaan, isagoo xusay in haddii askari lagu helo dambi wax laga weydiin doono sarkaalkii xukumayay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in askarta dowladda algu eedeeyo inay kufsi iyo dhibaatooyin kale u geystaan dadka shacabka, gaar ahaan kuwa jira xeryaha qoxootiga.

“Waxaa aad loogu eedeeyaa ciidamadeenna inay dhibaatooyin u geystaan shacabka; aad iyo aad ayaana arrintaas uga xunnahay - aad iyo aad ayaan u daba-taagannanay kuwa dhibaatada geysanaya, waayo ciidmada ma ahan in dadkii ay difaaci lahaayeen ay dhibaateeyaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in askariga dambiga lagu helo keliya uusan yeelan doonin eedda, balse sarkaalka xukumana la weydiin doono xilliga uu dambiga galay sarkaalka iyo sababtii uu ugu guuleysan waayay inuu ka hor-istaago askarigiisa dambiga uu galay.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in tallaabada ay qaadayaan aysan ahayn oo keliya ciqaab, balse ay askarta u sameyn doonaan tababarro ku saabsan sidii loo bari lahaa asluubta iyo dhowrista xuquuqda Aadanaha.

“Ciidamadeenna waan siin doonaa tababarro lagu horumarinayo waajibaadka askariga, waxbarasho iyo inay dhowraan xuquuqda aadaanaha, taasoo aan rajeynayno inay wax badan ka bedesho askariga,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in haweenka ay yihiin sharafta shacabka Soomaaliyeed, aysanna ogolaan karin inay si cad ugu ciyaaraan sharaftas koox yar oo xumaatay, isagoo guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay qaybtooda ka qaataan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista haweenka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumaddu aysan aqbali doonin in horjoogayaasha kaamamku ay dhibaatooyin u geystaan dadka ku jira xeryaha barakacayaasha, markii madaxda dowladdu ay u tagaanna ay muujiyaan wanaag, markii laga soo tagana ay dadka meelo ku xareystaan ayna dhibaateeyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya