4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SUN oo Sannad-guuradiisii Shanaad u Dabaal-degay (DAAWO SAWIRRADA)


Khamiis, March 28, 2013Ururka Somaliska Ungdomsnätverket  (SUN) ayaa wuxuu u shalay u dabaal-degay sanadguuradiisii shanaad iyadoo sanadkan uu ururka ku xusay guriga looga arrimo degmada Eskilstuna ee dalka Sweden.

 

Xafladda lagu weyneynayay sanadguuradii shanaad ee Ururka ayaa waxaa ka soo qeybgalay Guddoomiyaha Degmada Eskilstuna Jimmy Jansson, Afhayeenka Baarlamaanka degmada Alf Egnerfors, Anna Ekermo oo ka socotay Gobolka Södermanland, Niklas Frykman oo ka socday Xisbiga Folk, Lotta Jonsson oo ka socotay Kristdemokraterna, Feysal Xasan oo ka socday Xisbiga Miljöpartiet, C/risaaq Xuseen oo ka socday Xisbiga Socialdemokraterna iyo Firat Nemrud, ku xigeenka madaxa suqa shaqada ee maamulka degmada iyo dad kale oo Soomaali u badnaa.

 

Munaasabadda oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa waxqabadkii shantii sano ee ururka ka soo jeediyay Maxamed Khadar oo ah xoghayaha guud ee Ururka, wuxuu sheegay in ururka uu sanadihii la soo dhaafay qabtay waxyaabo badan oo dhinaca horumarinta iyo wacyigelinta dhalinyarada u badnaa, iyadoo sidoo kalena uu qeyb qeyn ka ciyaaray soo bandhigga dhaqanka Soomaaliyeed. Sanadkan ayay dhalinyaradu ku guuleysteen in ay sameeyeen hees uu ururka leeyahay, taasi oo xafladda lagu daah-furay.

 


Guddoomiyaha Degmada Eskilstuna Jimmy Jansson oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ammaanay waxqabadka ururka SUN, wuxuuna ku tilmaamay in uu yahay ururka kaliya ee abid loo ogolaaday in uu guriga degmada looga taliyo uu ku xuso maalintii la aas-aasay, ”Waan ku faraxsanahay in aad xuseysaan shan-sano-guuradiina, waxaana idin leeyahay waxaad tahay kuwo  waxqabadkooda muuqdo ee sii wada howsha aad heysaan”ayuu yiri Jimmy Jansson.

 

Wuxuu sheegay in dhalinyarada ku bahoobay ururka SUN ay macno badan u leeyihiin Soomaalida ku nool Sweden, gaar ahaan Eskilstuna, kuwaasi oo qaarkood ay ku adag tahay in ay wax bartaan oo ay la qabsadaan nolosha dalka Sweden, ”Ururkiinana howshaas muhiim ayuu u yahay in uu qabto, wuuna qaban karaa”ayuu yiri Jimmy Jansson oo xusay in xafladdooda ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin badan oo ka tirsan xisbiyada uu ka kooban yahay golaha baarlamaanka Eskilstuna.

 

Anna Ekermo oo ka socotay Gobolka Södermanland ayaa iyaduna ka hadashay munaasabadda, waxayna xustay in ay si dhow ula socoto waxyaabaha uu qabto ururka SUN, waxayna hoosta ka xariiqday in ay wax badan soo wada qabteen dhalinyarada ururka SUN. ”Waxaan idin kugu hambalyeynayaa sanadguuradiina shanaad, waxaana idiin rajeynayaa in ay sii waddaan howsha aad heysaan ee muhiimka ah”ayay tiri Anna Ekermo. Waxay sheegtay in howsha ay qabtaan gobol ahaan ay xooggeedu tahay is-dhexgalka iyo arrimaha soo galootiga, sidaas darteedna ay soo dhaweynayaan waxyaabaha uu ururka SUN ka qabto arrimahaas.

 


Sidoo kale waxaa ka hadashay Jihaan Maxamed oo ah kalkaaliso ka howlgasha Isbitaalka Mälarsjukhus, isla markaana ka mid ah Soomaalida ku nool Eskilstuna, waxayna sheegtay  Jihaan in qofka uu u baahan yahay in uu waxbarto si uu mustaqbalka horyaalla u hiigsado, waxayna tilmaantay in qofka haddii uusan waxba baran ay nolosha ku adkaaneyso. Sidoo kale waxay u hambalyeysay dhalinyarada Ururka SUN.

 

Maryan Macallin Nuur oo ka mid ah xubnaha firfircoon ee ururka SUN ayaa intii ay munaasabadda socotaya waxaa la guddoonsiiyay shahaaddo sharaf, taasi oo ay ku muteysatay waxqabad ay muujisay. Waxaa xusid mudan in shahaaddo sharafta uu guddoonsiiyay Afhayeenka Baarlamaanka degmada Alf Egnerfors.

 

Ugu dambeyntiina, waxaa lagu soo bandhigaymunaasabadda  riwaayad hal-ku-dhiggeedu yahay ”K” HALA CAAWIYO. ( ”K” waa wiil dhalinyaro ah oo ay ku adkaatay la qabsiga nolosha Sweden, iyadoo riwaayadduna ay ahayd mid ka qoslisay dadkii daawaday). Sidoo kale waxaa lagu daawaday muuqaal ku saabsan dad kala duwan oo afafka caalamka looga hadlo qaarkood ugu hambalyeynayay Ururka.













Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]