4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Booliiska Magaalada Boosaaso oo Shaaciyay Magacyada Dad lagu Tuhunsan yahay Weerarkii shalay ee Xawaalada KAAH

Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Laamaha ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa shaaciyey magacyada 3 nin oo la rumeysan yahay in ay qayb ka yihiin dableydii shalay dhaca iyo dilka ka geystey xarunta xawaaladda KAAH ee magaalada Boosaaso.

Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda ammaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in baaritaan dheer kaddib la helay raadad muujinaya haybta dadkii shalay dhacay xawaalada KAAH, waxaana warbixin kasoo baxday xafiiska wasaaradda amniga lagu xusay magacyadan:

  1. Farxaan Dad-laq
  2. Ina Cabdullaahi Kabal.
  3. Iyo Nayl. 

Eedeysane Farxaan Dad-laq ayaa warbixinta lagu xusay in uu isagu ahaa maskaxda ka danbeysey weerarka, islamarkaana uu hogaaminayey kooxdii fulisey. Farxaan Dad-laq ayaa la sheegay in muddooyinkii u danbeeyey uu ku doodayey in dalka koonfur Africa uu ku dhacay in ay hayb wadaagaan mulkiileyaasha xawaaladda KAAH.

Waxaana mas’uuliyiin ka tisan KAAH oo HOL la hadlay aya sheegeen in xawaaladda laga dhacay lacag lagu qiyaasay $20,000 (labaatan kun oo Doolar). Dableyda dhaca geystey ayaa sidoo kale diley Cabdirashiid Maxamed Guuleed iyo Xasan Weyrax oo ka tirsanaa howl-wadeenada shirkadda.

Weerarkii shalay lagu qaaday xawaaladda KAAH ee magaalada Boosaaso ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka dhaca gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya