4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 28, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo degmada Marko u dirtay wafdiyo heer Wasiir ah si ay u xalliyaan xiisado ka taagan degmdaas

Khamiis, Maarso 28, 2013 (HOL) — Xukuumada Soomaaliya ayaa magaalada Marko u dirtay wafdiyo ka socda wasaaradaha arrimaha gudaha iyo difaaca u dirtay degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada hoose si ay xal uga gaaraan khilaafyo dagaallo sababay oo dhawaanahan ka dhacayay degmadaas.

Wafdiyadan ayaa waxay qiimeyn ku sameyn doonaan xaalada magaalada ka jirta, kaddibna waxay u gudbi doonaan inay wadahadallo la yeeshaan labada dhianc ee ay dagaalladu u dhexeeyaan si ay isugu dayaan inay xal u helaan; iyadoo dagaalladii ka dhacay degmadaas ay saameyn ku yeesheen dadka deegaanka.

Dagaalladii ka dhacay degmada Marko waxaa arrin aad looga xumaado ku tilmaamay wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in wafdiyadan loo diray degmadaas ay xallin doonaan khilaafyada jira.

“Wafdi heer sare ah ayay xukuumaddu u dirtay magaalada Marka, kuwaasoo xal ka gaaraya khilaafyadii sababay dagaallada, aad ayaana uga xunnahay dagaalladii ka dhacay degmadaas, waxayna guddigan isku dayi doonaan sidii ay u soo afjari laahayeen dhibaatooyinkii sababay dagaallada,” ayuu wasiirku u sheegay warbaahinta isagoo ku sugan magaaladaa Kismaayo.

Magaalada Makro oo 90-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho ayaa dagaalladii ka dhacay waxay sababeen dhimasho iyo dhaawac, waxayna u dhexeeyeen ciidammo kawada tirsan dowladda oo hab beeleed ku saleysan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowaldda oo gaaray degmadaas ayaa xal ka gaari waayay khilaafkan, taasoo keentay in wafdigan ka socda wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka iyo wasaaradda gaashaandhigga ay u dirto xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya