4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Wasiir u Dowlihii Wasaaradda Adeegga Bulshada oo Maanta si lama Filaan ah ugu Geeriyooday Magaalada Nairobi

Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Wasiir u dowlihii wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada, Maxamuud Ismaaciil Barkhad ayaa si lama filaan ah maanta ugu geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo aan la sheegin qaabka uu u dhintay.

Wasiiradda wasaaradda, Dr. Maryan Aweys Axmed ayaa xaqiijisay geerida ku timid wasiir u dowlaha wasaaradda, waxayna xustay inuu magaalada Nairobi si lama filaan ah ugu dhintay, iyadoo aan sheegin sababta geerida keentay.

“Innaa-lillaahi wa innaa-ileyhi raajicuun, geeridu waa xaq noole walbana wuu dhimanayaa. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, kitaabkiisana gacanta midig ka siiyo, Ehelladii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu samir iyo IIMAAN ka siiyo,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Lama sheegin in maydkiisa lagu aasi doono dalka Kenya iyo in dalka la keeni doono si loogu aaso, waxaase uu mas’uulkan noqonayaa xubintii ugu horreysay oo ka dhinta golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo lasoo dhisay muddo saddex bilood laga joogo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya