4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 26, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Kismaayo iyo Ammaanka oo aad loo Adkeeyay

Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amababaxay maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kaddib markii uu baaqday safar uu shalay ku tegi lahaa degmadaas.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana wariyaha HOL ee Kismaayo, Xasan Nuur Maxamed uu soo sheegay aroornimadii hore ee saaka in la jaray dhammaan isgaarsiinta degmadaas, laguna soo rogay bandow magaalada oo dhan.

“Dhammaan iskuulladii waa la fasaxay, dadkana waxaa lagu amray inaysan guryahooda kasoo bixi kariin illaa laga gaarayo 12:00 duhurnimo,” ayuu yiri Xasan Nuur oo intaas ku daray in waddooyinka magaalada oo dhan la dhigay ciidammo ammaanka ilaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiinta kala duwan ee maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo saraakiisha AMISOM, iyadoo sidoo kale ay joogaan magaaladaas wariyeyaal kala duwna si ay u tabiyaan wararka ku saabsan socdaalka ra’iisul wasaaraha.

Socdaalka ra’iisul wasaaraha ayaa salka ku haya sidii lagu dhameyn lahaa khilaafaadka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Raas-kambooni oo ku saabsan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu kulammo la qaato mas’uuliyiinta maamulka gobolka markii uu halkaas tago, isagoo sidoo kale goobjoog ka noqon doona furitaanka shirka maamul u sameynta Jubbooyinka.

Maamulka Jubaland ayaa wuxuu kulminayaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaa howsha maamul u sameyntay wadday IGAD iyo dowladda Kenya taasoo ka careysiisay dowladda Soomaaliya, inkastoo arrintu ay u muuqato in xal laga gaaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya